Hargeysa(Dawan)Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Talo-wadaaag Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa naqdiyay isbahaysiga Siyaasadeed ee Xisbiyadda Mucaaradka iyo Urur Siyaasadeedka KAAH.
Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa sheegay in qalad sharci ay tahay in Urur Siyaasadeedka KAAH kula shuraakoobo Mucaraadka Xildhibaanadii ka soo baxay Xisbiyadda Waddani iyo UCID.
“Marka aan aqoontayda ku cabbiro isbahaysiga Xisbiyadda Mucaaradka iyo ururka KAAH,waxa la leeyahay KAAH ayaa kula shuraakoobay Xildhibaano Golaha Wakiilada Xisbiyadda Mucaaradka xaguu ka keenay Ururka KAAH,ma xisbi ayuu ahaa Xildhibaanada waxa ay ka soo bixi karaan Xisbi.Nin aan xisbi la hayn sidee ayay ugula shuraakoobi karaan Xildhibaanadii ka soo baxay Xisbiyadooda.waa qalad sharci iyo qalad siyaasiya in nin suuqa iska jooga in ay kula shuraakoobaan Xisbiyadda Mucaaradka Xildhibaanadii ka soo baxay Xisbiyadda Waddani iyo UCID waxba uma soo kordhinayso,sidee kula shuraakoobi karaa nin aan xisbi lahayn Xildhibaanadii xisbigaaga ka soo baxay.mise waxa uu leeyahay isku reer ayaanu nahay,bal isqabadsiiya suurta gal maaha sharciyan in nin suuqa joogaa ka xaysto Xildhibaanadii ka soo baxay Xisbiyadda Mucaaradka.muxuu tarayaa ninka Xildhibaanka,”.
Sidoo kale Ibraahim Buubaa ayaa waxa uu timaamay in Guddoomiyaha Xisbiga Waddani aanu waxba ku soo kordhin Xisbigaaas.Waxaana uu yidhi”Waxba kumuu soo kordhin xisbiga Waddani Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan,in mid kale ku guuro arimihii doorashooyinka ee muddada badan ay u qaylinayeen in arimo urur Siyaasadeedka KAAH wato khalkhal Siyaasadeed galiyo waa arin mucjisa,”.