Hargeysa (Dawan) Ciidamada Booliska magaalada Hargeysa, gaar ahaan Saldhiga xaafada Sheekh Nuur, ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysan Hoodo Cabdi Cali Ina Raaxo Xuseen 28jir oo ku eedaysan inay 26-1-2024 kii xilli Habeenimo ah waxyeello u gaystay Dhibbane Caydaruus Cali , waxaana falkaa ku wehelinaayay Saddex dumar oo kale oo Ciidanku ku raad-joogo.
Sidoo kale warbixinta ka soo baxday taliska ciidanka booliska Somaliland, ayaa lagu sheegay in Dhibbanaha ay Guri ku balamiyeen isla markaana ay nabaro u gaysatay , muuqaalna ka duubay iyagoo baraha bulshada ku faafiyay .
Geesta kale waxa warbixinta lagu xusay in Hawlgallo iyo baadhid dheeriya oo Ciidanka Saldhigaasi sameeyay waxa uu kusoo qabtay Hal eedaysane ,halka Saddexda kale Ciidanku ku raad-joogo.
Gaba-gabadii taliska ciidanka boolisku waxa uu sheegay in dhammaantood si deg deg ah loo horgeyn doono sharciga, waxaanu bulshada uga digayaa falalka noocaasa ah ee diinta , dhaqanka iyo anshaxa suubban baal-marsa.