Hargeysa(Dawan):-Wasiirka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Siciid Sulub Maxamed,ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay madaxda hay’ada (The_Save_Children).
Wasiirka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Siciid Sulub Maxamed shalay xafiiskiisa ku qaabilay madaxda hay’ada (The_Save_Children).
Wasiirka iyo Madaxda Hay,adda The_Save_Children ayaa ka wadahadlay sidii loo sii xoojin lahaa wadashaqaynta ka dhaxaysa iyo xoojinta mashaaariicaha kala duwan ee ay dalka ka fuliyaan.
Waxa kale oo lagaga wadahadlay kulankan Mashaariicda kala duwan ee Hay’ada The_Save_Children iyo Wasaaraddu iska kaashadaan, iyo sidii loo sii wadi lahaa qorshayaasha cusub ee mashaariicaha ee isla sanadkan 2024 gudihiisa ah.waxaana kulankan ku soo dhamaaday isagarad.