Taliyeyaasha Booliska JSL iyo Itoobiya iyo oo Addis Ababa kulan ku yeeshay

0
92

Hargeysa (Dawan) Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi oo maalmihii ugu dambeeyay socdaal shaqo ku joogay Magaaladaa Addisababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa la kulmay Taliyaha ciidamada Booliska Itoobiya, sidoo kalena waxa uu booqasho ku tagay Jaamacadda Ciidamada Booliska Dawladda Federal Itoobiya,

Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Dawladda Federal Ethiopia Commissioner General Demelashe G/Mechiel ayaa waxa ay salaan sharaf ka qaateen cutubyo ka tirsan ciidanka Booliska Ethiopia.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi oo kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Booliska Dawladda Itoobiya General Demelashe G/Mechiel ayaa waxa ay ka wadahadleen xoojinta iyo iskaashiga adkaynta dhinaca amniga ee labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya iyo tababarada labada Ciidan Boolis.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland ku wehelinayeen Saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Booliska Somaliland.