Caalamka Iyo Dhibatoyin Is Barkan!

0
59

Bushada dunida caalamkan ku nool 821 milyan oo ka ah ayaa la dhibaatysan gaajo iyo macaluul iyadoo warbixino laga diyaariyay aya cadeeyay in qiyaas ahaan lacag dhan 30 bilyan oo doller ay u baahan yihiin.

Haddana iyadoo taasi jirta ayaa dalka Maraykanka la sheegay in dagaalkii Ciraaq ay kaga baxday dhaqaale dhan 700 bilyan oo doller. Waxaana la sheegay in lacagtaasi muddo 23 sano aha ay xal u noqon lahayd in dunida gaajada lagala dagaalamo.

Dhinaca biyahana , 700-milyan oo qof oo ku nool 43 Waddan ayaa la dhibaatysan biyo yaraan,  lacagaha kharshaka ah ee ku baxaya inay helaan biyo nadiif ah ayaa lagu qiyaasay  150 bilyan doller.

Iyadoo taasi jirto ayaa sanadkii 2017 waxa uu soo saaray Macahadka Peace Research Institute ee magaalada Stockhom in lacag dhan 1,739 bilyan loo adeegsaday kharashaad ku baxay ciidamada iyo hubka.

 

Xanuunka Koleeraha ama daacuun caloolaha waxa uu ku dhacaa 1.3 milyan oo qof sanadkii ugu yaraan, waa sida ay sheegtay W.H.O, sanadkii waxaa u dhinta 28 kun oo qof, kharaashadka adduunka looga ciribtiri karo waxaa lagu qiyaasaa 1.1 bilayn oo dolar sanadkii. Sucuudiga dagaalka Yemen waxaa kaga baxa bishii 5 bilayan oo dolar, waa sida uu sheegay mac’hadka Brookings Institution oo ku yaalla dalka Maraykanka lana asaasay 1916. Gaajada, biyo yaraanta iyo cudurada maaha kuwo xal loo waayay laakiin waa kuwo loogu talo galay in dalalka ay haystaan aanay weligood ka bixin.