Guddida Nabadgalyada Gobolka Sanaag oo Digniino Adag Ka Soo Saaray Rabshado Ka Dhacay Ceerigaabo

0
77

Qore Khadar M .Xaashi

Ceerigaabo (Dawan)  Guddida Nabadgalyada gobolka Sanaag, ayaa sheegay in xabsiga la dhigay dhallinyaro ka badan 50 qof oo lagu eedeeyay in ay rabshado ka gaysteen magaalada Ceerigaabo 25 May.

Guddida Nabadgalyada, ayaa sheegay in dhallinayarada la xidhxidhay ay lasoo baxeen calan aan ahayn ka Somaliland, isla markaana ay gaysteen rabshado.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse ayaa sheegay in bulshada gobolka Sanaag aanay ahayn kuwa caadifad reernimo lagu kicin karo.

Waxaanu yidhi.”Reer Ceerigaabo maaha dad aad ku kicin kartaan caadifad reernimo, halkani qaran weeyi, calan ayaa ka taagan, calanka ka taagani waa kaa jamhuuriyada barakaysan, kaas ayaynu ku wada dhimanaynaa”

Geesta kale guddoomiyaha gobolka Sanaag, Mudane Isdeber waxa uu sheegay in rabshado abaabulan oo la doonayay in bulshada lagu khalkhalgeliyo ay ciidamada ammaanku ka hortageen.

Waxaanu yidhi.“Rabshado abuubalan oo lagu khalkhalgelinayo nabadgelyada gobolka Sanaag ayaa ka dhacay gudaha magaalada Ceerigaabo, waxaana la doonayay bulshada lagu kala qaybiyo, balse ciidamada ayaa ka hortagay.

Ciidamadu saddexdii habeen u danbeeyay aad ayay u shaqeeyeen, waanu idinku hanbalyaynaynaa, sidaasi caynka uga dabcinmayno, noloshu inama kala qaybin karto, Ceerigaabana maaha meel kala qaybsanta, duruufo kala duwan ayay Sanaag ka gudubtay.

Ceerigaabo meelaha Warbaahinta iyo Youtuberadu hoggaamiyaan maaha, bulshada Ceerigaabo waa dad u tashaday noloshooda iyo midnimadooda, ciidanka booliskana waxaanu leenahay garbihiina ayaanu nahay, waxaanu leenahay shaqada sii adkeeya oo sii badiya, haddii ALLE Qadaro Bishan iyo ta ka danbaysaba heegan ayaanu ahaan doona”

Sidoo kale guddidu waxay sheegtay in ay sharciga lala tiigsan doonaan cidkasta oo lagu eedeeyo xaalad abuur, iyaga oo waalidiinta ugu baaqay in ay qaadaan masuuliyada ubadkooda isla markaana anay calaacalin kadib marka la xidho.

“Yaan lagu kala caban, ninkii sharcigu qabto maxkamada ayaanu horgaynaynaa, hadaad caruurtiina ku filnaanwaydaan wax kale loo gaysan maayo ee sharciga la horgaynayaa, masaajidka ayuu kasoo baxay hadhaw laga aqbali maayo dad qaran dumis ah oo sita maro ranji la marmariyay” Taliyaha Qaynta Booliiska Gobolka Sanaag, ayaa sida yidhi.