Nabaddu Waa U Muhiim Nolosha

0
86

Nabadu waxay leedahay faa’iidooyin badan oo muhiim ah oo saameyn ku leh qofka, bulshada, iyo deegaanka guud ahaan.  Si kooban waxa halkan ku soo gudbianaya faa’iidooyinka nabadda qaar ka mid ah:

Koritaanka Dhaqaalaha: Markay nabad jirto, ganacsiga iyo maalgashiga ayaa kobca oo kora, taasoo keenta horumar dhaqaale. Bulshada  iyo shirkadaha ganacsi ayaa si fudud ugu  dadalaaya tartan dhaqaale iyagoo aan ka werwerin amni darro.

Horumarinta Waxbarashada: Nabaddu waxay suurtagelisaa in macallimiinta iyo ardaydu si nabad ah uga shaqeeyaan harumarka waxbarasho. Dhinaca kale, haddii colaado iyo amni darro jirto, carruurta iyo bulshadu guud ahaan waxay ka maqnaan karaan waxbarashada, waxaana lumiya aqoonta iyadoo halkeedan uu buuxinayo jahligu.

Hagaajinta Xaaladda Caafimaadka: Marka nabad jirto, adeegyada caafimaadka waxaa loo  helaa si fudud oo dhakhso ah, Bulshaduna waxa ay heli karaan daryeel caafimaad oo wanaagsan. Dhinaca kale, colaadaha waxay sababi karaan faafitaanka cudurrada kala duwan , nafaqada daradda iyo dhimashada dadka oo ku timaadda dagaalo iyo darxumo.

Isdhexgalka Bulshada: Nabadu waxay kobcisaa isdhexgalka iyo wada noolaanshaha bulshada, iyadoo qof walba uu dareemayo in xuquuqdiisa la ixtiraamayo. Tani waxay dhistaa oo xoojisaa dareen bulsho oo xooggan.

Badbaadinta Kheyraadka: Colaadaha waxay sababi karaan khasaaro weyn oo kheyraadka dabiiciga ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha ah. Nabadda waxay ka hortagtaa in kheyraadkaas loo isticmaalo dagaal iyo burbur.

Balaadhinta Xorriyadda iyo Xuquuqda bulshada: Nabaddu waxay gacan ka geysataa ilaalinta xuquuqda dadka iyo xorriyadda shaqsiga. Tani waxay keenaysaa in dadka ay helaan xuquuqdooda iyo fursad ay ku horumariyaan naftooda.

Guud ahaan, nabadda waa aasaaska horumarka, deganaanshaha, iyo wada noolaanshaha bulshada.