- Inaad awoodaadu intay tahay u noolato iyadoo wax badani ka maqan yihiin ayaa ka wanaagsan inaad u noolaato nolol ku dayasho cid kale ah, xataa haday tahay mid dhamaystiran”
- Wax kasta oo aad ku riyooto lama helo, waxa la helaa waxaad u dadaasho”
- Aar gudashada u weyni waa adigoo cafis sameeya”
- Noqo sida ubaxa oo xataa gacmaha jaraya siiya udgoon”
- Wanaag horumarso si markaaga laguu wanaajiyo”
- Go’aanka kasta oo aad gaadhayso ka fikir wuxu horseedayo”
- “Siyaasaddu maaha ciyaar. Waa hawl adag”. Winston Churchil
- Waa inaad U noqotaa qof wanaagsan kuwa ku baahan markaad maamul ama maal hayso.maxaa yeelay waxaad la kulmi doontan markaad halkaasi weydo. Mana jiro qof weligii saraynaya.
- Biyaha baylka ah ee is laba rogaya, kama arkaysid sawrikaaga, sidaas darteed ma arki kartid xaqiiqda adigoo cadho karaya. Sug inta cadhadu kaa degayso, ka dibna go’aan gaadh marka aad degto si aanad u murugoon.