Qore: Xamse Khayre
Xalay oo taariikhda ahayd May 31, 2025, wax cajiib ah ayaa ka dhacay Nairobi — kama hadlayo damaashaadkii iyo dabridkii xaflada 18ka May, waxaan ka hadlayaa arin wayn oo maragfur u ah qaddiyada oo goobta ka dhacay. Professor P. L. O. Lumumba, oo ah magac Afrika oo dhan laga yaqaan oo ku suntan u doodista caddaaladda, wada-jir ka iyo midowga Afrika (Pan-Africanism) magac ayaa ka soo ag muuqday dhinaca Madaxweyne Cabdirahman Maxamed Cabdilaahi Cirro oo ka qaybgalaynaa munaasibadda madaxbannaanida Somaliland ee 18ka May. Kama soo muuqan sawirka oo kaliya hadda, arin wayn oo kale ayuu kaga dhawaaqa madasha. Muxuu ahaa arinkaasi?Arinka waynu u tagi doonaaye, waxay Soomaalilaan u ahayd daqiiqadaha u hadlayey, kuwo macno wayn ugu fadhiya — Wuxuu sida dhayda u cadeey kuna dhawaaqa bayaan ah in riyada midowga Afrika wayn ay qaabili karto isla markaana aanay diidayn Soomaalilaan oo ah dal madax banaan. Waliba, wuxuu yidhi, boos wayn baa Afrika uga diyaar ah Somaliland soo-dhawaynteeda.
Sheekadani waxay soo bilaabatay Sebtembar 11, 2021, oo Lumumba markii ugu horreysay soo booqday Hargeysa. Halkaas, wuxuu la kulmay Cirro, oo xilliga ahaa hogaamiyaha mucaaradka Somaliland. Kulankaas oo si diiran, caqli-gal ah, iyo daacadnimo u dhacay — wuxuu ka tagay raad wayn.Soo dhawaynta Lumumba lagu soo dhawweeyay waxaa u weheliyay in LA fahmay hawsha oo u socday wax walbana lagala shaqeeyay. Dhankiisa isagu Cirro u arkay nin Qaran oo ka aragti dheer siyaasi kursi-doon ah, kaas oo ay go’an tahay inuu himilada iyo mustaqbalka Dalka meel wacan ku hubsado. Himiladaana u leh aqoonteeda, waayo-aragnimadeeda iyo xirfadeeda. Nin, wuxuu u arkay Cirro, ay dhab ka tahay inuu adkeeyo isla markaana xoojiyo isku-tashiga, nabadda, rabitaanka shacbi iyo dimoqraadiyadda ay Somaliland ku dhisan tahay.
Ilaa wakhtigaa, Lumumba wuxuu taageerayey Somaliland iyo horumarkeeda. In ka badan 1,300 arday ayaa ka qalin-jabiyay Jaamacadda Unity, oo ah hay’ad uu qeyb ka qaatay aasaaskeeda.
Dabaaldegii May 18 Nairobi ee xalay ayaa Lumumba wuxuu sameeyay Ballan qaad kale oo wayn kaas oo ah: aasaaska Mac’hadka Midowga Afrikada ee Hargeysa, oo ay taageerayaan wafdi ganacsi oo iman doona bilaha soo socda.
Qudbadda uu xalay jeediyay Prof. Lamumba wuxuu ku soo afmeeray arrin mudo dheer cida Soomaalilaan diidaysaa ku xoqan jirtay oo ahaa in gooni-isu-taag iyo waxaa aanay Afrika u jeedin oo midoobayso. Muddo dheer ayaa Soomaalilaan-diidku doodaa iyada ku hoos gabanayay. Laakiin Lumumba oo ah af-tahan, xikmaawi iyo nin garasha dheer uu ka takhalusay doodaas khiyaamada ku dhisnayd. “Haddii aad tahay aabbe iyo nin qoys leh, oo carruurtaadu koraan oo ay qoysas kale dhistaan,” ayuu yidhi, “taasi macnaheedu maaha in qoysku burburay. Waxay ka dhigan tahay inuu sii xoogaystay oo barakoobay.”
Somaliland tuke baalcad kama aha qaaradda, mana aha mid ka go’ay asalkeeda iyo Afrikaanimadeeda. Waa ummad qaan-gaadh ah — isku filan, mas’uul ah, oo diyaar u ah inay booskeeda ka qaadato miiska Afrika. Lumumba wuxuu soo bandhigayaa dood cusub oo la xidhiidha midnimada Afrika ah — dood aan ku salaysnayn khariidadii gumaysiga ee hore, laakiin ku salaysan in Afriki ku midowdo Xalaalnimadeeda iyo is-ogolka dawladnimadeeda, nabadda, iyo rabitaanka dadka.
MD Cabdiraxmaan M Cabdillaahi Cirro, oo hadda madaxweyne qaranka, wuxuu u taagan yahay nooc cusub oo hoggaamiye Afrika ah. Waa qof wax qancin kara isagoon af-lagaadoon, mabda’ leh balse furfuran, wuxuuna sameeyay wax in yar oo Alle (swt) karsiiyo mooyee in badan madax badani aanay samayn karin taas oo ah : inuu kasbado taageerada mid ka mid ah dadka ugu fog uguna xagjirsan marka ay noqoto is-dhexgalka/Modowga Afrika isagoon wax ka dhimin himiladdii madaxbannaanida Somaliland iyo gooni-isku-taageeda. Taasi ma aha wax fudud.
Tani waa Somaliland dhabta ah: meel ciddii Mar soo booqataa aanay ka laaban – iyo qaddiyada ciddii ogaataa damiirkeedu aanu diidin. Sida uu Lumumba ku sheegay qudbadiisa munaasibadda Nairobi ka qabsoontay, su’aasha maanta taagan Maaha “Soomaalilaan MA la aqoonsan doonaa? “balse, suaashu waa “Goorma ayaa La aqoonsan doonaa Somaliland?. Waxaa hubaal ah, xilliga uu doono ha yimaadeen, marka Soomaalilaan aqoonsigeedu yimaad inuu noqon doono mid Afrika sharaf iyo wanaag ku soo kordhiya oo aan wiiqin.
Marka runta loo hadlo, Afrika uma baahna tusaalayaal Kooban oo dalal taabagal noqday madax-banaanidoodii oo ku dayasho mudan. Waxay u baahan tahay tusaalayaal badan oo la majeerto. Soomaalilaan, gol-daloolooyinkeeda iyo guulaheeda ha ISKA wadatee, Waa tusaale ku dayasho mudan oo Afriki ku faani karto oo u taagan dad iyo dal isku tashaday. Afrikada-wayna, haddii in uun ay gob tahay, Taa way garan doontaa waxaanay gogol iyo gacanba u fidin doonta Somaliland.