Kabtanka Al Nassr, Cristiano Ronaldo, ayaa la sheegay inuu isaga cararay Sacuudiga habeenimadii xalay, iyadoo xiisadaha Bariga Dhexe ay sii kordhayaan.
Ronaldo oo 41 jir ah ayaa u duulay Madrid, Spain, isagoo adeegsanaya diyaaraddiisa gaarka ah ee nooca Bombardier Global Express, taasoo lagu qiimeeyo £61 milyan.
Xiddiga reer Portugal, oo deggen Riyadh halkaas oo kooxdiisu ugu dagaallamayso horyaalka, ayaa ka ambabaxay dalka iyadoo wararka sheegayaan in magaalada ay la kulantay weerarro la xidhiidha Iran, kuwaasoo galay maalintii afaraad.
Wararka ayaa tilmaamaya in safaaradda Mareykanka ee Riyadh lagu weeraray labo diyaaradood oo drone ah habeenkii xalay, halka warbaahinta dowladda Iran ay sheegtay in xarun ciidan oo ku taalla Bahrain la burburiyay.
Raad-raac duulimaad ayaa muujiyay in diyaaradda Ronaldo ay qaadatay ku dhowaad toddobo saacadood si ay u gaadho Madrid, iyadoo ka kacday 8:00 fiidnimo kuna degtay qiyaastii 1:00 habeenimo.






















