Peter Schmeichel Oo Magacaabay Ciyaaryahanka Horumarka Ugu Badan Ku Tallaabsaday PL Xilli Ciyaareedkan

0
139

Halyeeygii hore ee Manchester United, Peter Schmeichel, ayaa ku tilmaamay goolhayaha Arsenal, David Raya, ciyaaryahanka horumarka ugu badan ku tallaabsaday Premier League waqtigan.

Schmeichel ayaa arrintan sheegay kadib markii Arsenal 2-1 kaga adkaatay Chelsea kulan ka tirsanaa London derby.

Raya ayaa si rasmi ah ugu biiray Arsenal sanadkii 2024 kadib markii uu markii hore amaah kaga yimid Brentford, isagoo si buuxda u qabsaday booska koowaad ee goolhayaha.

“Ma fahmin markii Raya laga keenay Brentford si uu ugu biiro Arsenal, sababtoo ah waxay haysteen Aaron Ramsdale oo si fiican u ciyaarayay,” ayuu Schmeichel u sheegay Viaplay.

“Waan dhaleeceeyay waqtigaas, ma yeelan kartid labo goolhaye oo number one ah; waa inaad mid doorataa. Maxaad Raya u keenaysaan?”

Si kastaba, Schmeichel ayaa hadda qiray: “Waxaan u maleynayaa inuu yahay ciyaaryahanka ugu horumarka badan Premier League saddexdii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay.”