Saameynta Caafimaad ee Cunista Kalluunka ee Bulshada Somaliland

0
102

Somaliland waxay leedahay  xeebo aad u dheer oo ay ka buuxaan khayraad aad u fara

badan, waxaana ka mid ah kalluunka noocyadiisa kala duwan ee aadka loo jecel yahay.

Bulshada Soomaalida oo xoolo dhaqato u badan aad uma cunaan kalluunka, waxayna taas

beddelkeeda aad u icticmaalaan hilibka xoolaha.

Suuqyada magaalada Hargeysa waxaa beryahan aad ugu soo kordhaya ka ganacsiga kalluunka,

iyadoo laga furay meherado waaweyn oo kalluunka lagu iibiyo.

Ganacsatada qaar ayaa kalluunka u iib geeya dalka Itoobiya oo uu ka furan yahay suuq weyn oo

kalluunka aad looga baahan yahay.

Itoobiya ayaa ah dal aan xeeb lahayn isla markaana bulsho badan oo ku dhaqan dalkaas ayaa aad

ugu baahan kalluunka.

Bulshada ku dhaqan magaalada Hargeysa oo beryahan dambe aad u iibsada kalluunka ayaa

aaminsan in kalluunku uu qiimo ahaan ka jaban yahay hilibka kale isla markaana uu caafimaad

ahaan ka fiican yahay.

Sahra Cismaan Maxamed waa mid ka mid ah macaamiisha sida joogtada ah u iibsata kalluunka,

waxay BBC-da u sheegtay waxay ku doorbidday iibsiga kalluunka.

“Kalluunku wuu ka jaban yahay, wuu ka fiican yahay hilibka kale xagga nafaqo ahaan iyo tayo

ahaan, marka aad baan u isticmaalnaa” ayay tidhi Sahra.

Ka ganacsiga kalluunka ayaa shaqo abuur u sameeyey dhalinyaro badan oo reer Somaliland ah.

Cabdiraxmaan Axmed Jaamac waa mid ka mid ah dhalinyarada ka ganacsata kalluunka kuna

iibiya magaalada Hargeysa waxa uu BBC-da u sheegay inuu ka ganacsiga kalluunka ka

shaqaynayey muddo kor u dhaafaysa lix sanadood isla markaana ay dhalinyaro badani shaqo ka

heleen.

Cabdiraxmaan ayaa qaba in ka ganacsiga kalluunka lagaga maarmi karo in dhalinyaradu ay

tahriibaan.

“Dadkan Tahriibaya ee baddaha isku guraya waxaan odhan lahaa kalluunka dalkeena hala gurto

oo hala iibiyo, shaqo abuur badan ayuu samaynayaa”.

Bulshada reer Hargeysa ayaa haatan aad ugu baraarugtay faa’iidada uu leeyahay ka ganacsiga

iyo isticmaalka kalluunku, iyadoo xaafado badan ay si joogto ah u iibsadaan.

 

Axmed Cabdillaahi Maxamed waa mid ka mid ah aqoonyahannada reer Somaliland, waxa uu

dhawaan bilaabay ka ganacsiga kalluunka, isagoo ka soo qaada badda isla markaana ku qaybiya

suuqyada magaalada Hargeysa.

Wariye Cabdillaahi Jaamac oo ka tirsan BBC Somali ayaa Axmed kula kulmay magaalada

Hargeysa, waxaanu waydiiyey waxa arrintan ku dhaliyey.

“Kalluunku wuxuu ka mid yahay wax soo saarka dalka, wax soo saarkuna saddex meelood ayuu

shaqo abuur ka sameeyaa, mar waxaa laga soo saaraa badda oo badda waxaa ka soo saaraya waa

dad shaqaale ah, qaybta labaadna waa marka la habaynayo kalluunka, qaybta saddexaadna waa

marka la iibinayo” ayuu yidhi Axmed.

Dawladda ayaa iyaduna dhankeeda cashuur ka hesha wax soo saarka uu kalluunku ka mid yahay.

Si kastaba ha ahaatee qaar badan oo ka mid ah bulshada Soomaalida ayaan weli ku baraarugin

faa’iiidada uu leeyahay kheyraadka badda ku jira oo kalluunku uu ka mid yahay.