Maleeshiyada Daacish ayaa sheegtay in ay nolosha ku gubeen bayloodkii reer Joordan ee ay haysteen. Muuqaal fiidyow ah oo ay kooxda Daacish ku baahisay online xalay ayaa muujiyay duuliyaha Joordan laba xiddigle Moaz al-Kasasbeh oo nolosha ku gubanaya.
Fiidyowga oo aan markiiba la caddeyn ayaa waxa ka muuqanaya nin dhex taagan qafas bir ah isaga oo uu qabsaday ololkii.
Lafdhant Moaz al-Kasasbeh ayaa la qabtay kadib markii dayaaraddiisii dagaalka lagu soo ridey meel dhow magaalada Raqqa, Syria, bishii December isaga oo qayb ka ahaa duqeymaha isbaheysiga milateri ee ka dhanka ah Daacish.
TV Joordan ayaa xaqiijiyay dilka, isaga oo sheegay in la dilay bil ka hor.
Muuqaalka fiidyowga ayaa isaga oo online ah salaasadii loo qaybiyay on Twitter account lagu yaqaan inuu yahay isha dacaayadaha Daacish.
Qof ka mid ah ehelka Lt Kasasbeh ayaa u sheegay Reuters news agency inay ciidamada amnigu ku wargeliyeen qoyska in la khaarajiyay. Arintan ayaa timi ka dib markii ay fashilmeen wadahadalo u socday Jordan iyo Daacish oo ahayd in la sii daayo gabadha maxbuusadda ah ee reer Ciraaq ee Maajida Riishawi.