Weriyaha caanka ah ee Masar Jaabir Qamudi ayaa soo xidhay dirayska ay Daacish u xidho maxaabiista ay dilayso, markii uu sii daynayay warkii dadkii Masaarida Kiristaanka ah ee lagu laayay Liibiya.
Wariyaha ayaa odhaahdan ka yidhi “ Dilka 21 Masaarida ahi maaha mid ku dhacay Muslimiinta ama Kiristaanka waxa uu ku dhacay dadka Masar.” Wariyaha ayay wejigiisa ka muuqatay inuu aad u xanaaqsan yahay.