Saylac (Dawan): Dooni weyn oo nooca Kalluumaysiga ah oo laga leeyahay Somaliland ayaa shalay gelinkii dambe ku shuf beeshay xeebta gobolka Salel, gaar ahaan agagaarka biyaha badda Sacaadadiin.
Sida uu ku soo waramayo weriyaha DAWAN uga soo warama gobolka Salal Maxamed Cawaalle Daahir, doonida gubatay oo ay u gurmadeen ciidamadda ilaaladda xeebaha ayaa sheegay in shalay gelinkii dambe abaarro 3dii galabnimo ay arkeen Qiiq iyo uurro cirka isku shareeray oo ka baxaya doonidaasi.
Waxaanay ciidamadu sheegeen in ka dib markii ay ay gaadheen halkaasi ka dib ay arkeen doonidaasi oo gubanaysay, doonidan oo uu lahaa ganacsade reer Somaliland ah oo magaciisa la yidhaado Maxamed Dhoola-yare. Ayaa ka kalluumaysanaysay biyaha gobolka Salel.
Isbitoore Gilin-gil oo ah ku simaha taliyaha ciidamadda ilaaladda xeebaha ee gobolka Salel, ayaa noo xaqiijiyay gubashadda doonidani ay ka dhalatay dab qabsaday qeybta cuntada lagu kariyo, waxaanu sarkaalkaasi xusay in gabi ahaan-ba ay doonidu shuf-beeshay balse shaqaalihii doonida la soo bad-baadiyay loona qaaday dhinaca dalka Jabuuti.
By: Khadar C.Muuse
dawannews Hargeysa office