Doorashadii madaxtinimada Nayjeeriya ayaa waxa ku guuleystay Muhammadu Buhari, waana doorashadii ugu horeysay ee ay dalkaasi ku guuleystaan mucaaridku.
Ninka ay tartamayeen ee ahaa madaxweynaha dalka , Goodluck Jonathan, iyo xisbigiisa ayaa aqbaley in laga adkaadey, waxaaney u hanbalyeeyeen Gen Buhari guusha uu gaadhey.
Gen Buhari ayaa ka horeeya Mr Jonathan ugu yaraan saddex milyan oo cod..
Goobjoogayaasha ayaa guud ahaan ammaanay doorashada, balse waxaa jirey eedeymo ahaa in wax la is daba mariyay, taasi oo dadka qaar ku abuurtey in ay keeni karto mudaharaado rabshado wata.
Waxaa lagu tilmaamayaa in ay u tahay guul weyn oo taariikhi ah Nayjeeriya, iyada oo aaney hore u dhicin taariikhda in madaxweyne xilka haya laga guuleysto.
Afhayeen u hadlay xisbiga Gen Buhari All Progressives Congress (APC) ayaa ammaanay Mr Jonathan, waxaanu yidhi ” Waxa uu ahaan doonaa geesi tallaabadan darteed. Waxaa si dhaqso ah u dejisay xaaladii kacsanayd.”
Dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in ay tahay markii ugu horeysay ee ay dadka Nayjeeriya dareemaan in ay leeyihiin awood ay ku beddeli karaan dawlad aan shaqadeedii si fiican u gudan
Tan iyo madaxbannaanidii ay ka heshay Britain sannadkii 1960 ayaa waxa ka dhacay tiro inqilaabo ahaa iyo doorashooyin la musuqay.
Natiijada oo la soo saaray fiidkii hore xalay ayaa muujisay Gen Buhari inuu helay 15 million oo cod, halka uu Mr Jonathan ka helay 12.8 million cod.
Mr Jonathan ayaa soo hoggaaminayay Nigeria taniyo 2010, isaga oo bilowgii hoggaamiye ku meel gaadh ah ka hor intaanu ku guuleysan doorashadii sannadkii 2011.
Nigeriya oo la daalaadhacaysa weerarada kooxda Boko Haram, ayaa waxa la leeyahay waxa ay codbixiyeyaal badani rumeysan yihiin inuu Gen Buhari kaga fiican yahay kaalinta uu ku difaaci karo Boko Haram.
Janaraal Buhaari ayaa hore dalka u soo xukumay isaga oo inqilaab kaga qabsadey dawlad rayid ahayd sannadihii 1984-1985. Haseyeeshee markan waxa uu ku gaadhay doorasho aad loogu tartmay, waxaanay ahayd markii afraad ee uu isku soo taago madaxtinimada isaga oo waayay saddex jeer ooh ore.