Masuuliyiinta Degmada Go’daweyn Oo Walaac ka Muujiyay Ugaadhsi Lagu Hayo Duur-joogta Deegaankaasi

0
319

Hargeysa (Dawan)- Masuuliyiinta degmada Go’da–weyn, odayaasha iyo wax-garadka deegaankaasi ayaa sida fiinta walaac ka muujiyay  niman ugaadhsato ah, oo farobaas ku haya duur-joogta deegaankaasi, isla mar kaana ugaadh ka rartay deegaanka Cilaan oo ka tirsan deegaanka gobolka Saaxil.
Cuqaasha iyo waxgaradka deegaka Go’ada-weyn ayaa digniin adag  u diray kooxahan ugaadhsatada ah, ugana baaqay in ay joojiyaan ugaadhsiga sharci darada ah ee ay u hayaan Duur-joogta deegaankooda, waxaanay xukuumadda u soo jeediyeen inay si dhakhso ah wax uga qabtaan kooxahan ugaadhsatada ah ee faraha baas ku ahaya Duur-joogta  deegaankanadaasi.
Cabdillaahi Cabdi Cali oo ah gudoomiyaha deegaanka Go’daweyn ayaa faahfaahin ka bixiyay nimankan ugaadhsatada ah ee sida sharcidarada ah uga ugaadhsanaya deegaankaas, waxaanu yidhi “Halkani waa tuullada Cilaan, kana  mida degmada Goda-Weyn ee gobolka Saaxil, waana dacalka ugu baaleeya, degmadan, uguna xiga Koonfur bari,  waana xuduuda dhinaca Togdheer oo dhinaca kalena Oodweyne ka qabto waana deegaan dheer  oo dhul daaqsimeeda, waana deegaan hodan ku ah xoolaha nool, waxa kale oo deegaankani hodan ku yahay ugaadha duurjoogta ah, haddii ay tahay Deerada, haddii ay tahay Garanuugta iyo Cali-kuda iyo nooc kasta oo Duur-joogta ah ba.”
Guddoomiyaha degmada Go’daweyn waxa kale oo uu intaa ku daray “Waxaanu warbixn ka helay odayaasha iyo dadka deegaankaniba in niman ugaadhsato ahi oo fara baasna ku haya Duur-joogta ay si tuugo ah ku soo galaan deegaankani  iyaga oo ka soo gala dhinaca wadada Togdheer, iyaga oo aan soogaadhin degmada Goda-Weyn inay ugaadhsadaan ugaadha iyaga oo u ugaadhsanaya si tuuganimo ah, waxaanu ugu baaqaynaa in hadii mardanbe ay soo galaan laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan, dadweynaha deegaakana waxaanu ugu baaqaynaa inay iska qabtaan oo ay maamul ahaan nagu soo wargaliyaan cidii danbe ee madashaan intay iska soo gasho iska ugaadhsata duur-joogta iyada oo si sharcidaro ah u ugaadhsanaysa tan aad arkeysaan waa rasaasti ay ku leynayeen ugaadha iyaga oo ku laayay nooca loo yaqaano garanuugta waana niman carab u shaqeynaaya oo ugaadhan ugeynaaya.”
Sidoo kale odayaasha deegaankaaasi Cilaan ayaa digniin adag u diray cid kasta oo soo faro galisa duur-joogta deegaankan una soo faro galisa si sharci daro ah inay talaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadi doonaan dadkana faray inay iska qabtaan.
Khadar M. Xaashi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply