“Waxay Ahayd Guddoomiye Cirro Inuu Xaliyo Arrintan, Guddoomiye Ku xigeenka Wakiiladda Ayaa Sharaftii Qaatay”

0
266

Hargeysa (Dawan) – Wasiirka xidhiidhka goleyaasha Somaliland Cali Xaamud Jibriil, ayaa sheegay inay Xukuumadd ahaan soo dhaweynayaan xalka laga gaadhay xeerka doorashadda Golaha Wakiiladda ee ay hore cabashada uga muujiyeen Xildhibaanada gobolada Awdal iyo Salal.

Wasiir Cali Xaamud oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa waxa uu Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro ku eedeeyay inuu ku guuldaraystay xal u helida cabashadii ay mudaneyaashani soo jeediyeen, waxaanu tilmaamay in arrintan xalkeeda uu ku guulaystay Guddoomiye ku xigeenkiisa Baashe Maxamed Faarax.

“Waxaad ka warqabtaan in khilaafkii yaraa ee golaha Baarlamaanka guddihiisa ahaa ee Xildhibaanadii ka soo jeeday gobolada Awdal iyo Salal ay ka heshiiyeen si fiicana u dhamaatay, xaqiiqdii aad baan ugu mahadnaqayaa Xildhibaanada Awdal iyo Salal si fiican ee milgaha iyo sharta leh, ka dib markii ay maanta (shalay) kulmeen Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo ka raaligeliyay wixii hore u dhacay. Sidaad ka warqabtaan bini’aadamku sidiisaba waxbuu sheegan karaa, wixii guddahooda ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu aanu u joojin, ahmiyadna siinin taas ayay ka xanaaqeen oo shakhsiyan iyo dad ahaanba uga xumaadeen.” Ayuu yidhi Wasiirka xidhiidhka goleyaasha Cali Xaamu Jibriil.

Wasiirka xidhiidhka goleyaashu waxa uu intaas ku daray “Arrintani maaha arrin u taallay Xukuumadda, golahani waa golihii sharcidejinta ee madaxabanaanaa, waxay ahayd markii uu joogay inuu arrintan xaliyo oo iyaddoo arrintani taagan tahay oo annagu Xukuumadd ahaan ma faragelin karno, waa arrin uu isagu (Cirro) Guddoomiye ka yahay. Waxay ku qurux badnayd ama xaqiiqadu ahayd intii uu joogay inuu xaliyo, laakiin iyaddoo ay sidaa tahay ayuu ka tegay, Guddoomiye ku xigeenka koowaad baana sharafta qaatay.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply