Boorama (Dawan):- Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ka mid ah salaadiinta Somaliland ee k a soo jeedda gobolka Awdal, ayaa fool ku tilmaamay in salaadiintu ay af qabiil warbaahinta kaga baanaan. Waxaanu sheegay in salaadiinta Somaliland qaarkood ay ka leexdeen hab-dhaqankii iyo hanaankii madax-dhaqameedka, isla markaana ay muddooyinkan dambe isku bedaleen siyaasiyiin, iyadoo mararka qaarkood hadallo ka baxsan anshaxa sandaladda warbaahinta isku mariyaan.
Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar ayaa u soo jeediyay salaadiinta caaddaystay inay qaab beelnimo u hadlaan inay ka waantoobaan hadaladda dadka kala fogeynaya oo uu ku dooday inay wax u dhimayso qaranimadda Somaliland. “Waxaan leeyahay fool xumo ayay tahay in nin weyn oo hogaan dhaqan ah inta uu warbaahinta ka hadlo yidhaahdo annagoo reer hebel ah sidaa ma yeelayno, haddii hebel la sii dayn waayo waxaan u arkaa khalad. Waana ceeb in nin Suldaan ahi ku hadlo af qabiil oo uu yidhaahdo annagoo reer hebel ah,”Ayuu yidhi Suldaan Samatar oo u waramay Telefishanka Universal.
Suldaanku isagoo arrintaasi ka hadlayay waxa uu yidhi “Waana inay ka waantoobaan salaadiintu arrintaas khaladka ah ee qaranimada waxyeelaya. adduunyadu way is-bedalaysaa oo culimadii wax-baa iska bedalay oo salaadiintii, wax baa iska bedalay. Waxaanay la socotaa bulshadda ay wax iska bedaleen. Waana in la ilaaliyo ixtiraamkii iyo milgihii ay lahayd sandaladu.”
Dhinaca kale Suldaan Ibraahim Jaamac waxa uu ka hadlay arrinta muddooyinkan dambe muranku ka taagnaa ee Haamaha Kaydka shiidaalka, isagoo u soo jeediyay axsaabta mucaaridka ah iyo dhinacyadda kale ee arrintaasi ku mashquulsan in loo dabo fadhiisto xukuumadda arrimaha ku wajahan haamaha kaydka shiidaalka ee magaaladda Berbera. “Dadka ka hadlaya haamaha waxa aan isleeyahay dad ajanabi ah ayay la rabaan. Waxa aan leeyahay xukuumadda Kulmiye ayaynu dooranay baarlamaan ayaynu leenahay aynu uga dambayno.Waar dadkan haamaha kaydka shiidaalka lagu wareejinayaa ma dad ajanabi ah baa mi yaanay ganacsadii Somaliland ahayn, sow tii aynu wasaaradda shaqada ku haysanay dad ajnabi ah ayay shaqaalaynaysaa.”
Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office