Qabiilo Aan Xidhiidh La Lahayn Dunida Casriga Ah

0
310

Dalka Barasiil culimada aqoonta u leh baadhida bulshooyinku asalkoodu halka uu ka soo jeedo ayaa helay qabiilo lagu magacaabo Ashaniink. Qabiiladan ayaan hal maalin keliya xidhiidh la samayn dunidan casriga ah iyagoo u nool qaabkii qadiimiga ahaa. Qabiiladan oo ku nool deegaanka fog ee webiga Anfiira oo u dhow xuduuda u dhaxaysa Baraasiil iyo dalka Peru.
Culimada baadhayaasha ah ayaa awood u yeeshay inay la xidhiidhaan madaxda qabiiladaasi si ay u ogaadaan qaab nololeedkooda, waxayna ogaadeen in qabiiladani ka kooban yihiin 200 qof, Nolosha bulshadan ayaa ku xidhan dhir goynta, dhaqashada xoolaha, kalluunka iyo ugaadhsiga xayaawanada berriga ee kale. Waxa kale oo ay leeyihiin beero ay uga baxaan Muuska, Hadhuudhka iyo midhaha Fuulku.  Sida uu caddeeyay  xafiiska bulshooyinka iyo asaladooda ee dalka Baraasiil waxa dalkaasi wakhtigan ku nool 77 qabiilo kuwaasi oo aan midkoodana xidhiidh la lahayn xadaaradda dunida iyagoo u  nool qaab nololeed waafaqsan noloshooda oo ah mid qadiimi ah ( Traditional ).

Leave a Reply