Hargeysa (Dawan)- Saddexda xisbi qaran ee Somaliland, ayaa ka hadlay wakhtiga la bilaabayo qaybinta kaadhadhka codbixiyeyaasha iyo natiijadii diwaangelinta cod bixiyayaasha ee Komishanka doorashooyinku ku dhawaaqeen shalay.
Xisbiyada KULMIYE, WADDANI iyo UCID, ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay , waxaanay sheegeen in Guddida doorashooyinku ay qaadeen talaabo ay ku dardargelinayaan hawlaha u diyaar garowga doorashadda madaxtooyadda.
Afhayeen Xisbiga talada haya ee KULMIYE, Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) ayaa sheegay in aanu waddanku qaadi karin dib u dhac dambe oo ku yimaada doorashada Madaxtooyada, Waxaanu yidhi; “Wax ka dhiman kamay hadal Komishanku, waxaan u malaynayaa inay u dhammaystiran yihiin shaqadii ay ku qabanayeen doorashada. waddanku ma qaadi karo doorasho dib u sii dhacda mar kale. waxaannu aad u soo dhawaynayaa in doorashadu qabsoonto.”
Ku-xigeenka Xoghahay guud ee xisbiga UCID, Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), ayaa ka hadlay aragtida xisbigiisa, waxaannu yidhi, “Waxaan halkand ka caddaynayaa inaan hiil iyo hoo la garab taagan nahay Komishanka, waxaan ilaahay ka rajaynaynaa 13 November in ay dalka ka dhacdo doorsho xor iyo xalaal ah. waxaan illaahay ka baryayanaan in uu ummada u dan ah inuu u dooro mid ka mid ah saddexda Murrashax ee tartamaya.”
Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI, Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde, ayaa isna ka hadlay aragtida uu xisbiga Waddani ka qabao natiijada diwaan-gelinta iyo wakhtiga la bilaabayo kaadhadhka codbixinta waxaanu yidhi, “Haddii aanu nahay Xisbiga WADDANI waanu soo dhawaynayaa marka hore qorshaha iyo tacabka badan ee komishanku sameeyay si ay doorashadu u qabsoonto.”
Dawannews Hargeysa office