Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Wasiir cusub u magacaabay Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada, ka dib markii uu madaxweynuhu istiqaaladii ka aqbalay wasiirkii hore Maxamuud Cabdilaahi Obsiiye.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxooyada,Eng. Xuseen Aadan Cigge (Dayr), waxaanu madaxweynuhu digreetada uu soo saaray istiqaaladii kaga aqbalay wasiirkii iscasilay. Waxa kaloo uu Cismaan Cabdi Sheekh Muxumed u magacaabay wasiirka cusub ee shaqada, waxaanay u qornayd sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa shalay wareegto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/M/XERM/249-5219/112017 uu Aqbalaad Is-casilaad kaga aqbalay Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada isla markaana uu ku magacaabay wasiir cusub.
Waxaanay warqada istiqaaladii lagaga aqbalay Wasiirkii hore ee shaqada iyo arrimaha bulshadu u qornayd sidan: “Mudane,Aniga oo ka duulaya qoraalka aad i soo gaadhsiisay, ee ujeeddadiisu tahay ka tagid xilkii aad haysay ee Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, waxaan kaa aqbalay is-casilaadaada aad ii soo gudbisay. Sidaa darteed, waxaan kuu rajaynayaa niyad-sami iyo mustaqbal wacan.”
Geesta kalena waxa madaxweynaha Somaliland uu wasaaradda shaqada u magacaabay wasiir cusub, sida lagu caddeeyay qoraalkan oo u dhignaa sidan:-
“Madaxweynuhu: Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Wasiirradu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka; Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada;
Markuu ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday: In Mudane, Cismaan Cabdi Sheekh Muxumed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jamhuuriyadda Somaliland.”
Dawannews Hargeysa office