Caafimaadka Iyo Cimriga Dheer!

0
1081

Dadka Japan ayaa ah noqday dalka labaad ee bulashadiisu ugu cimriga dheer caalamka sanadkan 2021. Cilmi baadhis la sameeyay ayaa muujisay in Ragga Japan uu cimirgoodu gaadho ilaa 85 sanno, dumarkana ilaa 87 sanno.

B

B ulshada Japan waxa la sheegay in dhakhaatiirta ay booqdaan 12 jeer sannadkii, iyaga oo jecel inay la socdaan xaaladooda caafimaad, waana mid ay kaga duwan yihiin bulshooyinka kale ee caalamka.

Waxaana ay ku dedaalaan raashinka ay cunayaan inuu noqdo mid dheeli tiran.

Cuntooyinka ay isticmaalaan waxa ka mid Kaluunka, Caano, iyago hilibka iyo saliidda aan wax badan ka qaadan. Raashinka ay sida weyn u xiiseeyaan waa Bariiska, Shaaha, Fuulka, dhirta badda iyo khudaarta kale ee kala duwan.

Sababaha keenay cimrigaasi dheer aya la sheegya inay tahay iyagoo dadkaasi ay iska ilaaliyaan werwerka, wakhti kastana ay mashquul ku yihiin shaqada, akhriska buugaagta iyo weliba jimcsi joogto ah. Dalka Japn Caafimaadku guud ahaan waa mid bilaash ah oo aan wax lacag ah haba yaraatee laga qaadin. (worldometers.info)

Leave a Reply