Hoyga Noolaha Badda ku Nool (MARINE HABITAT)

0
712

Hoyga waa meel gaar ah oo noole ama koox noole ah ku nool yihiin, hadaan si kale u sheego hoyga waa goobta uu noolaha ku aamino inuu dhigto ukumahiisa, hadaba  noolaha badaha waxay lee-yihiin hoy ay galaan oo la mid ah hoyga noolaha barriga.

Ku dhawaad 71% dhulka waa biyo, sidaa darteeda waxaa lagu magacaabaa “dhulka

baluuga ah” (The blue planet), ku dhawaad 96% biyaha dhulka waa kuwa badaha. dhulka baaxadaas dhan ee biyahu ku fadhiyaan waxaa ku nool noole aad u

fara badan, dabcan waxaana ku yaala tiro aad u badan oo hoyga noolaha ah.

Hoy badeedku isku mid ma wada aha, wey kala duwan yihin, nooc kastana goob gaar ah ayaa laga helaa, sida kuwa barriga aysan isku mid iyo isku meel u wada ahayn, ka

soo qaad barriga lama dagaanka ah hoyga ku yaalla iyo barriga qoyan ee biyaha

leh ay isku mid u ahayn.

Hoy badeedku wuxuu ku kala yaallaa deegaamada kala duwan ee baddu leedahay, sida deegaan xeebeedka, oo  kala ah xeeb careed iyo xeeb dhagaxeed, sidoo kale deegaanka xeebta 2aad (Continental Shelf), deegaanka dhaco halkay baddu moolka ka sii galeyso ee (Continental Slop) ka, iyo deegaanka badaha guntooda ah (Abyssal Plain), deegaamadaas aan soo sheegay mid walba waxuu leeyahay hoy badeed gaar u  ah oo nooc ama koox noole gaar ah ay dagan yihiin.

Hoy badeedka ugu caansan waxaa ka mid ah,

#- Mangrove habitat,

#- Reefs habitat,

#- Seaweeds habitat,

#- Sandbanks habitat,

#-Mudflats & Sandflats habitats,

#- Coastal lagoons habitat,

#-submarine structures habitat,

#- submerged sea caves habitat,

#- seagrase habitat.

Waxa jira meelo ka mid ah hoy baddeedyada aan kor

ku soo sheegay.

Hoyga (Habitat) Maangaroofka.

(Keyn Maangaroofka ah) “Mangrove” waa geed ka baxo xeebaha dhul-baraha dhaca (Tropical)ka, waa geed ka mid ah geedaha ugu mucjisada badan ee dunida, waa geed xididadiisa ay kor u jeedaan oo aysan dhulka ku duugneen sida geedaha kale,  waa geed u adkaysan kara cusbada iyo duruufta adag kana bixi kara meel uu geed kale ka bixi karin, intaa waxaa u dheer wuxuu leeyahay geedka Maangarofka faa’iidooyin aad iyo aad u badan waxaa  iskugu yimaado geedkan noocya badan oo noolaha badaha ah (Diverse Species) sida naasleeyda (Mammals), qolofleyda (Crustacean), iyo noocya kale oo kaluunka ah, sidoo kale Shimbiraha Maxaliga ah iyo kuwa haajira, wuxuu noolahaas oo dhan u yahay geedka Maangarofka hoy iyo quud.

(1)Maangarofka waa geed marti qaad aad u fiican leh, wanaaga geedkan kuma simana noolaha badaha kaliya ee sidoo kale wuxuu  faa’iido u leeyahay noolaha barriga, dadka xeebaha dago waxay daaqsiiyaan xoolahooda caleenta geedka mangroveka, waxayna laamaha geedkan ku dhistaan  aqalada, sidoo kale dabna way ka shitaan.

Geedka Maangarofka mucjisadiisa waxaa ka mid ah, waxuu ilaaliyaa tayada biyaha wuxuuna yareeyaa wasakhda daadadka biyaha (Run off)ka ee badaha ku soo  qubma, wuxuu sidoo kale sifeeyaa ama shaqshaqaa walxaha biyaha dul- sabeeya  (Suspended Material)ka, wuxuuna furfuraa walxaha nafaqada ah (Dissolved Nutrients)ka ee biyaha ku qasan.

Maangarofka waa geed sal u ah haramka  cunnada (Food Chain) iyo wareega cunnada (Food Cycle). Noocyada (Species)ka  geedka Mangaroofka waxaa ka mid ah:

  • Avicenna Marina
  • Rhizophora Mucronata
  • Bruguiera Ymnorhiza
  • Xylocarpus Granatum
  • Criops Tagal
  • Lumnitzera Racemosa

Geedkan aadka u qiimaha badan dalkeena Somaliland goobo ka mid ah ayuu ka

baxaa, sida Jasiirada Sacaaduddiin oo lix Mayl u jirta magaalada Seylac ee G/Awdal,

 

Leave a Reply