Dhibaatadda Dhaqaalle Ee Lacagaha Aan Sharciyaysneyn Qeybta 14-aad

0
304

In wax lays hoga tusaaleeyo, waxna laysugu sheego si ku dhisan caqli iyo cilmi oo faa’iido ama dawo u noqon kara dhibaato jirta oo aan naxli lahayn, waxay iila muuqataa inay tahay dariiq quman oo wax lagu sixi karo, laguna toosin karo.

Xannuun hadduu ku haleelo, waa lagama maarmaan inaad u tagto Dhakhtarka ugu habboon ee wax ka qaban kara cabashada xannuunka aad la ledi weyday, si aad u hesho caafimaad intaad nooshahay. Hase yeeshee haddaad xanuunkii ku  hayay ula leexato oo aad la doontid kuwa ku caan baxay ku shaqeysiga khuraafaadka ay ka midka yihiin gubgubista xubno jidhkaaga ka mid ah, diigaagta in laguu qalo iwm, waa hubaal in aad ka sii darto mooyee in  aanad caafimaad ka soo helayn, xaaladdaaduna jahawareer ku dembayn doonto xaga caafimaadka.

Araartan kooban, waxaan uga socdaa sida aan dhammaanteen u doonayno dhaqaale kobocsan iyo sida aynaan haabkeed u hayn  iyo sidaan u dhaqano oo marka lays barbar dhigo ah laba aan meel wada geli Karin.

Tusaale haddaan soo qaadano, maanta waxa dhaqaalaheenii isku fuuqsaday saddex shay oo aanu midna ka mid ahayn ahayn waxyaabaha nolosha lagma maarmaanka u ah ee aan la’aantood  la noolaan Karin. Saddexdaa shay waxa ay kala yihiin JAAD, ZAADiyo TELEFOONKA GACANTA oo qof kasta oo innaga mid ahi uu haysto xataa wiilasha yar -yar ee baalashlayaasha ah.

Jaadka haddaan xisaabino lacagta aan maalintii, habeenkii Iyo subaxii innagaga baxda waxa lagu qiyaasay in tahay lacag ka badan $ 300,000 (saddex boqol oo kun oo US dollar) oo ah lacag adag oo aan maalin walba ka saarno dalkeena, iyadoo waxa aan ku beddelanay lacagta xaddigaa dhan tahay, markaan xaqiiqada aan laga leexin, caafimaad darro iyo qashinkiisa oo bacda ugu darran tahay, kana wada dheregsanahay fool-xumada iyo aafada ay ku hayso degaankeenii. Isugeynta lacagtaa ee bishii waxay noqonaysaa $ 3,000,000 (saddex milyan oo  US dollar) ah, sannadkiina waxay isku geynta lacagta jaadka innagaga baxdaa gaadhaysaa $ 36,000,000 (lix iyo soddon milyan oo US dollar) ah.

Telefoonada gacanta si joogto ah ayaan lacag ugu shubanaa, si aan ugula hadlno asxaabta iyo ehelada gudaha ama dibedda oo aan weliba odhan karo inteena ugu badan waxay lacagtaasi kaga dhamaataa hadal aan wax faa’iido ah u lahayn, iyadoo lacagtaa aan ku shubnay telefoonada gacanta ay  tahay mid hawada aan raacinay oo aan dibna innoogu soo noqon, isla markaana wax cashuur ah oo laga jaraana aanay jirin, haddii laga qaadana aanay ahayn wax dhaafsiisan 5%  cashuurtii ku waajibi lahayd oo aan qabo  mar hadday hawada ku gubanayso in la saaro  cashuur aan ka yaraan dakhliga kasoo gala Telefoonada gacanta in saddex meelood  meel ahaan looga qaado cashuur ahaan. Waxad qiyaas ahaan ka soo qaadaa in caasimadda dalka ee Hargeysa ay ku nool yihiin 800,000 qof (sided boqol oo kun oo qof) tiradaana ay kala badh haystaan telefoonka gacanta. Tiradaa qof kastaa maalin walba inuu ku shubto isku celceliska isticmaalka dadka rubuc doolar. Lacagta maalin kasta hawada aan ku gubnaa waxay dhan tahay $ 100,000 (boqol kun oo US dollars) ah, bishiina $ 3,000,000 (saddex milyan US dollars), sannadkiina waa $ 36,000,000 (lix iyo soddon milyan oo dollar).

Kharashka intaa leeg waxa lagu yareyn kari lahaa iyadoo ay dadka inta aan awood dhaqaale oo buuran lahayn, inay isticmaalaan telefoonka guriga ee loo yaqaan “landline-ka”, kaas oo bisha dhan uu bixin lahaa qofkiiba $ 10 (toban US dollar) Geesta kale shirkadaha isgaadhsiintu waxay ahayd inay eegaan oo ay ka naxaan dhaqaalaha yar ee dadka oo ay isticmaalka telefoonka gacanta ee gudaha dalka ay ka qaadaan qiime la mid ah ka (landline-ka) oo ah bishii $ 10 (toban)

Jaadka isaga waxa marka hore la yareyn karaa  si loo dhimo kharashka faraha badan ee innagaga baxa, maadaama khasaare mooyee aanu wax faa’iido ah inoo lahayn, in waqtiyada uu dalka soo galayo la xadiddo oo laga dhigo in la keeno maalintii hal mar oo ah xilliga shaqada laga rawaxo oo ku beegan 2.00 pm.

Waxa markaa inoo baaqan  lahaa ugu yaraan kala badh lacagtii adkayd ee banaanka dalka uga bixi jirtay maalin kasta, waayo laba jeer oo jaadku soo geli jiray dalka ayaa  dhinay oo halkii saddex jeer laga keeni jiray, ayaa hal mar oo qudha la keenay maalintii. Waxa kale oo meesha ka baxaya jaadkii la cuni jiray subaxa iyo kii laba cishiga ee fiidnimo.

Shirkadaha ku shaqeysta adeegga “mobile money” waxa ay iyaguna wiiqeen dhaqaalhii dalka, iyagoo sifahooda shaqo ee “mobile money” uu yahay mid aan lahayn wax xeer ah oo lagu dhaqo. Sidaa darteed waxa ay sameeyaan inay lacagtii adkayd ee dibedda ama gudaha innaga soo galaysay ku xeraystaan.

LA SOCO…………………………….

Leave a Reply