Khadar.M.Dhako.
Hargaysa (Dawan):-Ku-xigeenka Garyaqaanka guud ee Somaliland Xuseen Maxamed Jaamac Belal ayaa sheegay in aanu ka hor imanayn xeerka Waxbarashada Qaranka Xeer Nidaamiyaha Wasaarada Waxbarashada ee lagu maamulayo dugsiyada gaarka loo leeyahay. .
Garyaqaan Xuseen Belal ayaa intaa ku daray in Xeernidaamiyuhu uu qeexayo sida loo diiwaangalinayo dugsiyada gaarka looleeyahay iyo cashuurta ku waajibtay in ay bixiyaan.waxaanu intaa ku daray in dawladdu masuul ka tahay dugsiyada gaarka.
Garyaqaan Xuseen oo arrimahaa ka hadlaysaana waxay tidhi. “Xeer nidaamiyaha Wasaarada Waxbarashada kama hor imanayo xeerkii waxbarashada qaranka qodobka 83 aad iyo qodobka 85aad ee xeernidaamiyaha waxay sheegayaan sida loo diiwaangalinayo dugsiyada gaarka,waxaana lagu nidaamiyaa xeernidaamiyaha Waxbarashada ee gaarka looleeyahay Wasaarada Waxbarashada muraad gaara kama laha Xeer Nidaamiyaha iyo Xeer Nidaamiyaha ayay ka hor imanaysaa inta guri yar la kiraysto in 50 arday wax loogu dhigo waa in galaaskii ay fadhiistaan illaa 40 illa 45 arday,”.
Maxamed Jaamac Balal oo hadalkiisa sii wata,ayaa yidhi“Waxa jira macalin 60 arday wax u dhigaya dugsiyada gaarka looleeyahay markaa xeerka ayaa nidaaminaya si khaldan ayaanay u fahamsanyihiin xeernidaamiyaha dugsiyada gaarka loo leeyahay,hore ayaan loo kaantaroolin Dugsiyada gaarka is-diwaangali ayaa la leeyahay cashuurna waa lagu leeyahay dugsiyada gaarka ah waa in ay bixiyaan lagumana tacadiyayo dugsiyada gaarka ah waayo? dadkeenii ayay wax u dhigayaan dawladda ayaana ka masuul ah dugsiyada gaarka ah.”.