Waxa lasoo saaray 50ka ciyaartoy ee ugu wanaagsan da’yarta dunida, kuwaas oo noqon doona jiilka cusub ee dhaxli doona kubadda cagta.
Xiddiga reer England ee Jude Bellgingham ayaa noqday ciyaartoyga kaalinta 1aad ee ku jira ee hoggaaminaya jiilka cusub, waxaana uu laacibkani leeyahay hibooyin dabiici ah oo sabab ugu noqday in sannadkii hore uu noqdo ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee xulka England u ciyaara Euro 2020.
18 jirkan ayaa booska koowaad ku garaacay xiddiga Bayern Leverkusen ee Florian Wirtz, halka saddexaadna uu u dhacay kubbad-sameeyaha Barcelona ee Gavi oo isaguna kasoo hormaray Jamal Musiala iyo Harvey Elliott oo u kala ciyaara Bayern Muncih iyo Liverpool.
Kaalinta ugu dambaysa ee 50aad ayuu fadhiyaa da’yarka Real Madrid ee Bruno Iglesias oo ka ciyaara khadka dhexe laguna tilmaamo inuu yahay Kaka-ha kulliyadda da’yarta Real Madrid.
Halkan kaga bogo 50ka ciyaartoy ee jiilka cusub ee dunida
- Bruno Iglesias
- Endrick
- Marcelo Flores
- Roony Bardghji
- Gabriel Slonina
- Lucas Gourna
- Shola Shoretire
- Matheus Franca
- Edouard Michut
- Bryan Okoh
- Kaide Gordon
- Valentin BarcoNXGN 2022 Wahid Faghir
- Wahid Faghir
- Carney Chukwuemeka
- Roko SimicNXGN 2022 Alejandro Balde
- Alejandro Balde
- Adam Karabec
- Isak Bergmann Johannesson
- Levi Colwill
- Naci Unuvar
- Kaiky
- Andreas Schjelderup
- Charlie Patino
- Xavi Simons
- Malo Gusto
- Kayky
- Caden Clark
- Liam Delap
- Hannibal Mejbri
- Felix Afena-Gyan
- Romeo Lavia
- Kacper Kozlowski
- Ilias Akhomach
- Ilaix Moriba
- Mohamed-Ali Cho
- Luca Netz
- Marcos Leonardo
- Yusuf Demir
- Matias Soule
- No player
- Ricardo Pepi
- Benjamin Sesko
- Youssoufa Moukoko
- Devyne Rensch
- Rayan Cherki
- Harvey Elliott
- Jamal Musiala
- Gavi
- Florian Wirtz
- Jude Bellingham