Tobanka Xiddig ee ugu Saamaynta Badan Dunida oo la Magacaabay

0
216

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa hoggaaminaya liiska ciyaartoyda ugu saamaynta badan guud ahaan dunida, sida ay shaacisay xog ururin la sameeyey.

37 jirkan afka hore uga ciyaara Manchester United ayaa kaalinta koowaad kaga jira ciyaartoyda saamaynta badan ku leh dunida, waxaana taas u sahashay bandhigga wanaagsan iyo muddada dheer ee uu kusoo jiray garoomada ee uu kubaddiisa ku hayay heerka ugu sarraysa.

Magacyada loogu raadinta badan yahay baraha bulshada, ayaa waxa ugu horreeya Ronaldo oo bishiiba 11 milyan oo jeer lagu qoro baraha bulshada gaar ahaan qaybta raadinta (search), si ay dadku u arkaan waxyaabaha uu soo geliyo baraha bulshada amaba ay ugu taxmaan cinwaannadiisa.

Ma jiro ciyaartoy kale oo sidaas oo kale looga raadiyo baraha bulshada, waxaana uu ku dhowaad shan milyan ka sarreeyaa laacibka kusoo xiga oo ah Ryan Ramczyk oo ka ciyaara horyaalka NFL ee kubadda cagta Maraykanka.

28 jirkan ayaa waxa bishiiba laga raadiyaa baraha bulshada 6.1 milyan oo jeer, taas oo isagana kasii sarraysiinaya xiddiga Paris Saint-Germain ee Neymar oo 5.8 milyan oo jeer bishii magaciisa lagu qoro baraha bulshada, gaar ahaan qaybta raadinta

Xiddiga NBA-da ee LeBron James ayaa u dhacay kaalinta afraad oo bishiiba magaciisa laga raadiyo baraha bulshada 5 milyan oo jeer, halka Lionel Messi oo ay aad u xafiiltamaan Ronaldo uu aad ugu hooseeyo dhinaca baraha bulshada oo uu ka yahay ciyaartoyga shanaad oo 4.8 milyan oo jeer magaciisa lagu qoro baraha bulshada bishiiba.

Tom Brady ayaa inkasta oo uu ka mid yahay hormoodka ciyaaraha NFL ee waqtigan ugu magaca weyn, waxa uu haddana liiska kaga jira kaalinta toddobaad, halka xiddiga baabuurta baratanka ee Formula One ee Luis Hamilton iyo Max Verstappen ay iyaguna halka ugu hoosaysa kaga jiraan liiska oo uu soo xidho feedhyahanka UFC-da ee Conor McGregor.

Halkan kaga bogo liiska tobanka ciyaartoy ee ugu saamaynta badan dunida:

1- Cristian Ronaldo        10.0M

2- Ryan Ramczyk           6.1M

3- Neymar                      5.8M

4- LeBron James            5.3M

5- Lionel Messi               4.5M

6- Tom Brady                 4.3M

7-  Lewis Hamilton          3.9M

8- Max Verstappen         3.8M

9- Aaron Rodgers            3.7M

10- Conor McGregor       3.1M

Leave a Reply