Dhibaatadda Dhaqaalle Ee Isticmaalka Lacagaha Aan Sharciyaysneyn Qeybtii 3aad:

0
330

Sicir-bararku sida uu u saameeyo dhaqalaha, waxa ay ku xidhan tahay hadba heerka uu taagan yahay waqtigaasi. Waxa aynu had iyo jeer maqalnaa gunti-giijinta dhaqaalaha iyo sicir-barar, hase ahaatee inta badan dadku waxay isweydiiyaan siday dusha uga fuuleen arrimahan sababahooda iyo siday cidiidhiga uga dhigeen nolol maalmeedkoodii.
Xukuumadaha iyo laamaheeda amnigu waxay tallaabo adag oo aan jixin-jix lahayn ka qaadaan dhammaan ilaha ay ka soo burqadaan sicir-bararku, oo ay ugu horreeyaan isticmaalka lacagaha faalsada ah ee Seyladaha la soo geliyo, sida ta dalkeenna dhaqaalihiisii cagaha dhulka uga qaaday ee loo yaqaan “mobile money”. Geesta kale waxay xukuumadda iyo hay’adaheeda kale si dhakhso ah uga hawl-galaan siday u dabar jari lahayn ee xididdada ugu soo saari lahaayeen musuqmaasuq oo dhan, si looga badbaadiyo  burbur ku yimaada dawladda  iyo guud ahaan Qarankaba.
Sicir-bararku waxa ka dhasha qiimaha badeecadaha iyo alaabooyinka kale ayaa qiimahoodu cirka isku shareeraa, sidoo kalana waxa dhinaca kalena ka sii  kordha baahiyaha loo qabo badeecadaha iyadoo uu xagga kalana qiima dhac ku yimid lacagtii dadku wax ku iibsanayeen. Sidoo kale waxa aan marnaba is-daboolayn baahidii iyo wax-soo-saarkii. Asbaabaha keena kor u kac qiimaha badeecaduhu way badan yihiin, wayna kala duwan  yihiin, balse haddana natiijooyinku isku meel ayey iskugu soo biyo-shubtaan, taas oo ah sicir-barar.
Lacagaha faalsada ah ee ay ka mid tahay tan lagu isticmaalo “Mobile money” waxa ay ka mid yihiin qaababka aan qoriga ahayn ee loo dumiyo dawlad ama qarankaba, iyadoo dhinaca dhaqaalaha burburintiisa laga marayo.
Tusaale ahaan, markay badeecadaha iyo alaabooyinka kaleba qiimahoodu sare u sii kacaan mar kasta ee ay dhacdo, in qoysaska muruq maalka ah iyo kuwa maskax-maalka ahba uu mushaharkii waxba uga soo goyn waayo Seyladaha kala duwan, waxa ay ku kacaan marka hore shaqo joojin ay ku dalbanayaan in loogu darro mushaharooyinkooda hadba qiimaha ku kordhay maceeshadda iyo badeecadaha kale.
Tallaabadan hadday dhegaha ka furaysato Dawladi, waxa ay marxaladda labaad sameeyaan  shaqaale weynuhu bannaan-baxayo aan kala go’ lahayn, taas oo sababta in ay aakhirka dhacdo dawladdaasi amase ay dhacdo dhibaato kale oo tan ka sii culusi.
Geesta kale waxa ka dhasha isticmaalka iyo soo gelinta Seyladaha lacagta, lacagaha bilaa sharciga ee “Mobile money” ka mid tahay, in waqtiyada sicir-bararka ay ku adkaato  dawlad kasta inay sameyso qorshe maaliyadeed oo saxan. Waxa kow ka ah sababaha aan loo dejin karin  qorshahaasi, iyadoo uu mar walba hoos u dhac xidhiidh ahi ku yimaado qiimaha lacagta ee dalkaasi, hoos u dhacaa joogtada ah ee lacagtaasina waxay saameyn ku yeelanaysaa illaa  ka dhulka xaadha.
Arrimahan haddaan laga hortegin marka hore ama lagu soo af-jarin  meesha lagaga war helo, in lacago faalso ah oo aan ka diiwaan-gashanayn hay’adaha ku shaqada leh ku dhex wareegaan Seyladaha lacagta iyo kuwa kale ee wax lagu kala iibsado, waxa hubinti ah in dhaqaalaha dalkaasi afka dhulka darayo, ka dibna uu jahawareer xagga siyaasadda ahi ku xigayo iyo gebagebada oo natiijadeedu noqonayso burbur dawladeed.
Siyaabaha kale ee lacagaha faalsada ah ee tan “Mobile money” ka mid tahay ku keenaan sicir-bararka, waxa ka mid ah, iyadoo ay dadkii  lacagaha ka amaahday baananka ka hor intaanu sicir-bararka iyo qiimaha  lacagtu bilaaban, ayaa iyaguna dib ugu celiyay Bangiyadii lacagihii ay amaahdeen xilliyada uu jiro hoos u dhaca qiimihii lacagtu iyo sicir-bararku, iyagoon aan ku darin boqollayda ah ee ay faraqa u ah qiimaha lacagta ay  hadda bixinayaan iyo tii ay amaahdeen ka hor hoos u dhaca qiimaha lacagta.
Dhinaca kale waxa uu sicir-bararku u qeybsamaa  dhawr nooc oo mid walba si u leeyahay saameyntiisa togan ee dhinaca bulshadda. Waxa jira sicir-barar loogu yeedho ama loo yaqaan, in baahida badan tahay  mida soo dhufata markaaba sicir-bararka “demand-pul inflation” , waayo waxa mar walba kala badanaya baahidii iyo wax soo saarkii.
la soco Sabtida
 

Leave a Reply