Dhibaatadda Dhaqaalle Ee Isticmaalka Lacagaha Aan Sharciyaysneyn Qeybtii 16-aad

0
450

Zaad-ku ma leh wax xeerar ama dammaanad ah oo uu ku  hawlgalo, balse haddana waxa uu uga hirgalay dalka Jamhuuriyadda Somaliland si xawli badan, isagoo adeeggani ku baahay ilaa tuulooyinka, beeralayda iyo xataa reer miyiga qeybo ka mid ah, dadkaasina haddana waxa ay shirkadda isgaadhsiinta ee “Telesom” ku leeyihiin xisaab socod.
Iyadoo sidaa ay tahay, ayaa haddana maamulaha guud ee Telesom C/riin Maxamed Iid oo u waramayay weriye ka tirsan wargeyska “The Guardian” ayaa waxa uu u sheegay, in markii hore ee bilowgii adeegga ZAAD,ay dadku ka yara shakisnaayeen isticmaalka adeegga “Mobile money” oo looga yaqaan Somaliland Zaad, haseahaatee markii dembe si fiican ayey u aamineen dadku. Intaa waxa uu ku daray C/riin Max’d Iid inay adeegga Zaad  ugu horreyntii ku bixiyeen mushaharka shaqaalahooda, intaa wixii ka dambeeyayna cid walba way aqbashay, wax kastana waa lagu kala iibsaday adeegga Zaad, ayuu yidhi maamulaha guud ee Telesom.
Weriyuhu waxa uu xusay in inkastoo lacagta rasmiga ee Somaliland laga isticmaalaa tahay shillinka Somaliland, balse haddana lacagta adeegga Zaad lagu isticmaalaa waa
lacagta Dollarka ee Mareykanka.
Weriyaha “The Guardian” oo waqtigaa kula kulmay Hargeysa Marxuum Wali Daa’uud Cigaal oo ahaa Agaasimaha Qorsheynta ee Wasaaradda Maaliyadda, ayaa isna waxa uu u sheegay weriyaha, inay ka shaqaale ahaan ku qaataan mushaharka lacagta shillinka Somaliland. Waa uu intaa  ku daray  Marxuumku in adeegga “Zaad” ee doollarka Mareykanka lagu isticmaalo, waxna lagu kala iibsado oo ku tilmaamay mid kor u kiciyey qiimaha doollarka, sidoo kalena ku keenay dalka sicir-barar.
Guddoomiyihii hore ee Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland Cabdi Dirir Cabdi oo isna uu kula kulmay weriyahani xilligii uu ku sugnaa Hargeysa ayaa Guddoomiyuhu u sheegay in adeegga “Zaad” uu yahay ka dalka ka abuuray sicir-bararka, isla marakana qiime riday lacagta rasmiga ah ee dalka laga isticmaalo ee ah shillinka Somaliland.
Guddoomiyihii hore ee Baanka Dhexe waxa uu intaa raaciyay in dalalka Kiiniya iyo Tansaaniya oo uu ka jiro isticmaalka adeegga “Mobile money” ay ku shaqeeyaan nidaam uu u dejiyay Baanka Dhexe, waxa kaliya ee adeegga lagu isticmaalaana yihiin lacagaha wadamada ee rasmiga ee lagaga dhaqmo dalalkaasi. Sidaa darteed weli ma garan ayuu yidh Guddoomiyuhu, waxa ay qolyahayagani sidaas oo kale u yeeli waayeen. Waxa kale oo ay shirkadda Telesom ka faa’iidaysatay adeeggan Zaad xilli aanu jirin xeerkii lagu hagi lahaa “Mobile money” oo haatan ah mid haliso badan oo xagga dhaqaalaha ku haya dalka.
Waxa weriyuhu iftiimiyey in adeegga “Zaad” ee ka shaqeeya Somaliland ay dadka qaarkood ku tilmaameen in aanu waxba ka duwanayn lacagaha khamarka loo yaqaan “money laundering” inkastoo aanu jirin wax xeer ah oo la raaco oo ay dawladdu u samaysay adeegga “Zaad”, waxa akle oo uu intaa ku  sii ladhay inaanu xataa baarlamaanka Somaliland hadal hayn inuu xeer u sameeyo adeeggan ama uu sameeyo xeerkii Baankiyada ganacsiga.
Xeerar la’aantani waxa ay suurtagelisay inuu adeegga “Zaad” raad weyn ku yeeshay dhinaca dhaqdhaqaaqa lacagaha ama guud ahaan dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Geesta kale Gabadh la yidhaa Safiya Cismaan Taani oo la taliye maxali u ahayd hay’adda shaqaalaha adduunka ee loo yaqaan “ILO” oo iyana uu weriyuhu wareystay, ayaa u sheegtay in haweenka ku nool meelaha ka fog magaalooyinka ay dhibaato ka haysato xagga nolosha, waayo ayaey tidhi, haddii ay wax qabsan lahaayeena waxay sheegtay  in aanay adeegga “Zaad” iyo meel kale toona wax  ka amaahan karin, geesta kalana aanay xataa iska diiwaangelin Karin adeeggan, maadaama lagu xidho waraaqo aqoonsi inay la yimaadaan, si loogu furo adeegga Zaad. Si kastaba ha ahaatee wax muran ah oo ka taagani ma jirto in adeeggani si degdeg ah ugu baahan yahay  in loo sameeyo xeerkii uu kula shaqeyn lahaa Baanka dhexe.
LASOCO……………………………………..

Leave a Reply