Cunista Qaadka iyo Hagardaamada Uu Ku Hayo Dhaqashada Xoolaha

0
324

Somaliland  waa dal qani ku ah dhaqashada xoolaha nool iyo munaafacaadka ay ka helaan duunyada ay dhaqdaan dadka reer Somaliand.
Somaliland  waxa ka maqan maalgashi caalami ah oo ay ka helaan dalalka caalamka iyo maalqabeenada dunida ugu waawayn ee dalalka dunida shirkadahoodiu ka dhaqeeyaan.
Taana waxaa sabab u ah aqoonsi la,aanta aanay Somaliland ka haysan beesha caalamka Ictiraaf buuxa.
Somaliland waxaa caqabad ku noqotay in maal gashi toos ah ay u hesho  Meelaha Somaliland laga maalgelin karo  oo ay ka mid yihiin  shidaalka, macdanta, beeraha IWM. Waxa aynu ogsoonahay in aanay Somaliland lahayn dhaqaale ku tiirsan warshado, ama waxsoosaar kale.
Dhaqaalaha Somaliland waxa laf dhabar u ah xoolaha nool inkasta oo ay baryahan dambe ay ku soo biirtay  lacagta dibedda laga soo xawillo oo doorway ka ciyaarta dhaqaalaha wadanka.
Boqolkiiba lixdan dad-weynaha ku nool Somaliland, waxa uu nolol maalmeedkoodu ku tiirsan yahay waxsoosaarka xoolaha sida caanaha iyo hilibka. Xoolaha nool waa shayga keli ah ee ay dhoofiso Somaliland, waxaanay badankiisa u dhoofisaa jasiirada carabta.
Xoolaha nool waxa ay door weyn ka ciyaaraan dhaqaalaha waddanka, iyada oo 60-65% dhaqaalaha qaranku ku tiirsanyahay xoolaha nool. Dakhliga soo gala dawladda ayaa isaguna aad ugu tiirsan xoolaha nool, waxaana ay dawladdu cashuuro kala duwan ka qaaddaa xoolaha laga bilaabo marka ay sayladda yimaadaan ilaa inta markabka laga saarayo.
Waxaana lagu qiyaasay in dakhliga guud ee dawladda Somaliland  soo gala uu boqolkiiba soddon ka mid ahi uu uga soo xeroodo xoolaha nool. Waxa xoolaha nool shaqo ka hela dad aad u tiro badan oo ka mid ah dadweynaha ku nool Somaliland. Xoolaha Somaliland lagu dhaqaa waxa ay kala yihiin: adhi, oo u kala baxa Riyo iyo Ido, iyo Ishin oo u kala baxa Lo’ iyo Geel, adhiga ayaana ah nooca ugu badan ee ay dadka Somaliland dhaqdaan.
Iyada oo ay xoolaha nool dadka Somaliland iyo dalkaba ugu jiraan doorkaa aynu tilmaanay, ayaa waxa haddana jira caqabado badan oo ay wajahayaan. Dhibaatooyinkan waxa keenay waxyaabo dhawr ah oo ay ka mid yihiin: xaalufka iyo is bedelka degaanka, iyo uhaajirida dadka xagga magaalooyinka, waxa se jirta dhibaato la taaban karo oo uu ku hayo geedka qaadka loo yaqaano.
 
Sida aynu ka wada dharagsannahay, qaadku waxa uu ka mid yahay waxyaabaha dhibaatooyinka ugu badan ku haya bulshadeena. Qaadku waxa uu si ba’an u saameeyaa qaybaha kala duwan ee bulshada dhalinyaro iyo waayeelba. Dhibaatada qaadku waa mid aan qarsoonayn oo ka daahirtay bulshadan aynu ku nool nahay dhexdeeda. Qaadku waxa uu qofka kala dagaallamaa waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin: dhaqaaalaha, waqtiga, caafimaadka, karaamada IWM.
Dadka reer miyigu waxa ay ahaan jireen dad aad u daryeela xoolahooda. Xoolaha waxa ay la doonan jireen hadba meeshii biyo iyo baad wanaagsan, marka uu reerku guurayo waxa ay u sahamin jireen guriga ugu wanaagsan, shilinta ayay ka guri jireen, qodaxdana waa ay ka saari jireen. Dadka xoolo dhaqatadu waxa ay ahaayeen dad nadiif ah oo lagu yaqaano daacadnimo, run sheegid, ballan ilaalin, xalaal miirad iyo amaano xafid. Baryahan dambe waxa dadkaa gaadhay saamayn weyna ku yeeshay geedka qaadka. Waxa uu dadkii ka dhigay kuwo dantooda moog oo isaga uun ka shaqeeya. Waxa ay samaysteen tuulooyin ay isugu yimaaddaan habeen oo dhanna ku raamsadaan qaadka aroortiina hurdo ama qaadiro ku dhammaystaan. Ninka reerku waxa uu ahaan jiray masuulka reerka, kaas oo kala dabari jiray hawlaha reerka gebi ahaamba. Waxaanuu isna ku foofi jiray wixii kaga soo hagaaga hawlaha guriga hadii ay tahay geel raacid ama aroorin, reer oodid, sahamin IWM. Raggu waxa ay ahaayeen xoogga reerka, waxaana hubaal ahayd in reerku ku tiirsananaan jiray maskaxda iyo xoogga raga.
 
Taasi waxa ay sababaysaa in geelii aanuu helin dhammaan wixii uu u baahnaa, dayacaadaasina waxa ay keentaa in tayadii xooluhu hoos u dhacdo, sida ay Soomaalidu ku maahmaahdana xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan. Ninku waxa uu qaadka u cunaa si xad dhaaf ah, isaga oo marka uu marduuf cunoba soo qabta orgac kuna soo xidha maqaaxida. Arrintan oo ah mid aad looga yaxyaxo, waxa ay keentay in ay raggii lexejecladii ka tagto oo ay adhigii gumaadaan. Waxa jira nooc ka mid ah orgacda oo loo bixiyay aabbaa qaatay, kaas oo ah nooca ay raggu ku bixiyaan qaadka.
Waxyaabaha lala yaabo waxa ka mid ah in ragga laga ilaaliyo xoolihii ay ka masuulka ahaayeen oo uu ninku orgacdiisa maalinba mid si qarsoodi ah u xado si uu ugu bixiyo dayntii uu qaadka kaga cunay tuulaha. Qaadka dhibaatooyinkiisa waxa ka mid ah in ay dadku daynta ama qaanta lagu yeesho ay u qaataan wax caadi ah oo aanay masuuliyad badanba iska saarin in ay dib u bixiyaan. Marka laga hadlayo safarka ay magaalada usoo doontaan iyo sida ay ula macaamilaan, reermiyigu waxa ay u kala qaybsamaan laba qaybood: qaar waa kuwo uu qorshahoodu aad u wanaagsan yahay waxaana ay xoolaha wixii mac iibiyaan waqtiga barwaaqada, waxaana ay kaydsadaan wixii ay raashin siisan lahaayeen jiilaalka, ama waqtiga abaarta. Kuwa kalena waa qaar lacagta ay xoolaha ka helaan barwaaqada, iska isticmaala iyaga oo aad mooddo in aanay jiilaal dambeba ku noqonayn, waxaana ay taasi sababtaa in ay jiilaalka kolba meel amaah u doontaan. Immika qolada hore ee qorshaha wanaagsan ku socotaa waabay yaraatey sababo badan awgood, hase ahaatee waxa jirta in ay dadku dayntii iska fudaydsadaan. Waxaana keenay in qofkii meel walba dayn lagaga leeyahay oo xataa qaarkood ay daynta qaadka ka horreysiiyaan ta raashinka. Natiijaduna waxa ay noqotay in ay dadkii ku sifoobaan dhaqan xun oo ah deyn bixin la’aan.
 
Meelaha qaarna waxaabay gaadheen in ay dumarku yihiin kuwa xoolaha magaalooyinka keena, iibiyana kedibna maamula lacagta. Maadaama oo ay raggii qaarkood noqdeen qayrul masuul hadduu rabo aan reerkii raashin keenayn ee qaad isaga cunaya lacagtii, sidaas awgeed ayaaba laga ilaaliyaa ragga waxyaabo badan.
Sida aynu soo sheegnay xoolaha nool waa lafdhabarta dhaqaalaha Somaliland, haddii ay sidan arrimuhu kusii socdaanna waxa hubaal ah in uu ummadan dhaqaalaheedii meelxun ku socdo. Waxa loo baahanyahay in dhibaatadaa xalkeeda loo wada guntado ragguna ay ka waantoobaan dhaqankaa liita. Aynu ka wada shaqayno kobcinta iyo horumarinta dhaqaalaheena.
 

Leave a Reply