Guddoomiyaha Bisha Cas Oo Sharaxay Mashaariic Dib Loogu Dejinayo Dadka Abaaruhu Tabaaleeyeen

0
324

Hargeysa(Dawan):- Guddoomiyaha hay’adda Bisha cas ee Somaliland Mr. Axmed Cabdi Bakaal, ayaa shaaca ka qaaday inay kaalin muuqata kaga jiraan hawlaha lagu badbaadinayo dadka ku waxyeeloobay  abaaraha, una diyaariyeen mashaariic dib u dejinta dadka ku tabaaloobay.
Mr. Bakaal oo DAWAN ugu waramay xafiiskiisa shalay ayaa shaaca ka qaaday in Bisha Cas dhamman gobollada dalka ka wadaan mashaariic sare loogu qaadayo noloshooda, waxaanu u dhacay su’aalahii iyo  jawaabahii uu ka bixiyey sidan:
Warbixin kooban naga sii kaalinta hawlaha taakulaynta abaaraha dalka ka jira ururka Bisha Cas Somaliland ka qaadatay iyo deegaamada ay ka fulisay?
“Ururka Bisha Cas Somaliland waa mid qaran oo ka hawl-gala dhammaan deegaamada dalka, xaaladaha abaarahuna kolay deegaamada Barriga iyo Galbeedka-ba way ka jiraan, ha ugu daraadaan labada gobol ee Galbeedka Somaliland ku yaal. Urur ahaan hawlo aanu hore u wadnay oo abaaraha wax ka tari kara way jiraan, hawlo xarumo caafimaad guurguura ayaan wadnay, hawlo kaloo dadka noloshooda sare loogu qaadayo, mashaariicda ururka aan fulino waxyaabo badan ayey abaaraha ka tari karaan.
Hawlahan soo kordhay ee abaaraha ka taagan gobolada Awdal iyo Maroodi-jeex, ururka Bisha Cas wuu ka hawlgalay, mashruuc wax lagaga qabanayo abaaraha labada gobol ayaanu caalamka aanu weydiisanay, waxa la ogolaaday mashruuc muddo sannad ah soconaya, waxaana lanoo soo mariyey Laanqeyrta Cas ee Jarmalka,  wixii ka hortaga abaarah, qeyb caafimaadka ayuu leeyahay mashruucaasi, oo qolada Finland la soo mariyey, mashruucaa qeybtiisii biyo-dhaaminta xilligan way socotaa.
Sidoo kale abaaraha gobolada Barriga hay’adda ICRC ayaa nagala shaqeysa, dhowaan in raashin loo qeybiyo ayaa qorshaysan, meelaha qaarkood riigag laga sameeyo ama berkado, qiimayn ayaan soo samaynay, wakhtigan diiwaangelintii dadka wax la siin lahaa ayaa socota, meelo badan oo la calaamadiyey ama dhinaca  biyaha ha noqoto, ama taageero kkale laga fuliyo way jirtaa labada gobol ee Sool iyo Sanaag, labada dhexe Togdheer iyo Saaxil, waxa laysla qaatay in xaaladoodu abaarahu aanay cuslayn wakhtigan.”
Mar la weydiiyey dhacdadii dhimashada dadka ee abaarahu keeneen, kaalintooda, waxaanu yidhi “Aafadii dhimashada dadka ee abaaraha gobolka Awdal ururka Bisha Cas biyo-dhaamin keliya kagama qeybgelin, laakiin adeeg caafimaad guurguura ooh ore u shaqeynayey iyo mid mashruuca ku jira oo nafaqeyn ahba waanu ka hawlgelinay, oo isagoo aan mashruucii weli soo dhamaan saxeexyadiisii, balse mabda’iyan ogolaanshahiisa aanu haysanay, waxaan khasab kaga dhignay qolada Finland iyo jarmalkaba inay lacagta horumarin ka dhigaan si taakulaynta aanu wado ugu sii bilowno, ilaahay mahadii waanan ku guulaysanay, oo waanu wadnaa.
Aagaga dadkii tuulada Qulu-jeed ku soo  qarax waxaanu geynay bacaha hoyga laga dhigto iyo agab kale, isla markaana muta-dawaciinta Bisha Cas ayaa ka shaqeeya, waxyaalo kala duwan ayaa dhinacyo xukuumada Somaliland ku jirto geeyeen, laakiin dadka meesha jooga ma awoodaan inay shaqeystaan ama cunto karsadaan, waxuu Gudoomiyaha Awdal Ramaax naga codsaday inaan hawshaa cunto-karinta dadkaa jilicsan ururka Bisha Cas fuliyaan, waanan wadnaa, intaasi waa taageerada degdeg ee ilaa wakhtigan aanu qabanay, laakiin, maaha mid halkaa ku joogsatay, oo waajibaadkayaga ayey ku jirtaa wax-la-qabashada dadku.
Mar la weydiiyey maadama dadkii badankoodii wax walba ku waayeen abaaraha, inay jiraan qorshe uga yaal dib-u-dejintooda ayuu ku jawaabay “Mashruucayagu waxuu koobsanayaa waxyaalo badan oo dadka lagu taageeri doono oo iman doona, oo ka mid noqonayaan marka roobku yimaado in bulshada inta ugu jilicsan qaarkood labada gobo lee Awdal iyo Maroodi-jeex saacado loogu qodo beeraha, maadama dhaqaalaha loo qorsheeyey kooban yahay, ama laga taageero qoysaska ugu sii jilicsan inta beerahu u baxayaan in la siiyo lacago raashin ay muddo saddex bilooda noolaadaan, waa tiro kooban, dadkoo dhan ma wada gaadhi karto, laakiin kolay dad baa ka faa’iidaysan doona, iyaba waa waxtar u soo kordhay.
Mashaariicaha ugu muhiimsan ee ururka Bisha Cas guud ahaan dalka ka wado, mar la weydiiyey waxaanu yidhi  “Mashruuc la yidhaahdo la-dagaalanka gaajada, oo qolada bisha Cas ee dalka Iran naga caawinayso, oo muddo soconaya wuu jiraa, gobolada Sool iyo Maroodi-jeex qeybo ka mid ah ayaa laga fulinayaa oo qoladii maalgelisay dooratay. Mashraariic kaloo nolosha dadka wax lagaga bedelayo oo guud ahaan gobolada dalka ka socda ayaa jira, isla markaana qolo Jarmal ah wadaan, sida laba mashruuc oo dadka wax badan lagaga caawinayo, sida in berkedo loo qodo, daamam loo xidho, ama meelaha qaarkood laga caawiyo dhaqashada digaaga, si dakhli noloshooda kaba uga helaan, qaar beero shinni ah loo sameeyo ama qaarkood dhinaca beeraha laga caawiyo. Gobol walba afar ururo bulsho (community) ayaan la shaqeynaa,  qaarkood waanu bilownay, kuwa kalena bisha April ayey bilaabmayaan, waa mashaariic saddex sannadood soconaya. Mar walba Bisha Cas waxuu dadka u tari karo ayuu u taagan yahay.”
Mar Guddoomiye Bakaal ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey qaabka mashaariicaha ay fulinayaan dadku uga faa’iidaysanayo, in  dadku soo qoranayaan, ama Bisha Cas iyadu qorshaynayso meelaha laga fulinayo, ayuu yidhi“Dhammaan mashaariicaha aanu wado, hay’adaha nala shaqeeya ma ogola sidii beryahii hore loo fulin jiray, ama qof soo codsan jiray, waxaanu bilowga samaynaa sahamin guud ahaan deegaamada mashaariicaha laga fulinayo, markuu soo dhamaado ayaa la doortaa meelaha ugu sii baahi badan, waxaanan dhamaan hawlaha iskaashi kala yeelanayaa bulshada deegaamada laga fulinayo, ka dib marka tababaro la siiyo tiro qeybaha bulshada ah, iyadoo lala wadaagayo caqabadaha soo waajaha ama aafooyinka soo waajaha, waxa ay dadku qabsan karaan iyo fikradahooda sida wax looga qaban karo, ama taageerada dhaqaale ay dhinacooda ku darayaan fulinta mashaariicaha wax lagaga qabanayo. Marka mashruucu dhamaado saddex sannadood dabadeed, insha alaah, hay’ad kastoo wax-ka-qabanaysa deegaankooda iyagay kala xidhiidhaysaa, wada shaqeyna yeelan doonaan.”
mar la weydiiyey caqabadaha urur ahaan kala soo gudboonaada fulinta waajibaadka saaran ama baaqyo ay jeedinayaan waxa uu yidhi “Xaqiiqdii, caqabadahu ma yara, oo xaalad kastoo soo waajahda bulshada aan la shaqeyno culayskeeda annagana saamaynteeda ayey nagu yeelanaysaa, sidaan waxa uga qaban lahayn. Ta kale waxajira culaysyo badan ama dib-u-dhacyo ku yimi helitaanka dhaqaalahii aanu ku fulin lahayn mashaariicaha, ama sida wakhtigan qeybo ka mid ah mushaharooyinka madaxda ama shaqaalaha kala duwan qaarkood, maadama dhinacyo kala duwan bixiyaan, una sabab tahay xanibaadaha iyo culayska baananka caalamku ku soo kordhiyeen lacagaha loo diro Soomaaliya ama Somaliland. Taa macnaheedu maaha, in hakad ku yimi ama la joojiyey mushahar, laakiin, waa caqabad iyo culays  saamayn ku yeelan kara habsami u socodka hawlahii iyo mashaariicahii aanu wadnay, markaa waxaan baaq qeylo-dheer ugu sheegaynaa dhinacyada ay khusayso, sida baananka caalamku inay fududeeyaan sidii dhaqaalaha hay’adaha gargaarku ku shaqeeyaan looga yarayn lahaa caqabadaha ku keena dib-u-dhacyada, taasoo, sii balaadhin karta halistii hay’adahu ka badbaadinayeen bulshada.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply