Maarayn Loo Waayey Sarif Bararka Bulshada Ku Habsaday

0
989

Sicir-bararka iyo sarrif-bararka is biirsaday  ee ka taagan Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa galay marxaladdii ugu xumeyd taariikhda 26-kii sannadood ee dalkani  madax-bannaanidiisa la soo noqday, waxaanay  xaalad aad u adag oo nololeed soo wajahday dadka danyarta ah oo markii horeba ay haysatay dhaqaale xumo iyo shaqo la’aan.

Maceeshada daruuriga ah, ayaa aad u qaaliyowday oo gaadhay heer ay bulshada danyarta ahi go’yn waayeen, waxa kaloo qiime dhicii ugu xumaa ku habsaday lacagta waddanka oo dalkeeda ku basaastay, ka dib markii  ganacsatadda iyo xukuumadduba ay muuneyn  waayeen, waxaanu dhaqaalihii waddanku noqday mid u garbo duuban  doolarka Maraykanka iyo  lacagta laga diro  telefoonada gacanta ee Zaad iyo E-dahab (Electronic Money) ee shirkadaha isgaadhsiintu leeyihiin oo lacagtii adkayd  ka jilaabtay dalka, isla markaana fulin waayay wareegtadii madaxweynaha ee lagu faray inay xaddidaan lacagaha telefoonka laga xawilo oo muddadii loo qabtay ay ku ekayd 1-dii Bishan July.

 

Bulshada Somaliland, ayaa quus ka taagan  in xukuumadda Somaliland wax ka qabato xaaladan adag, iyadoo dadku qabaan inaanay laamaha dawladdu ku samaynin  dabogal fulinta go’aamadii madaxweyne Axmed Siilaanyo ka soo saaray bishii January  ee sannadkan xakamaynta  sicir-bararka iyo sarrif-bararka, kuwaasi oo haddii la fulin lahaa waxtar u yeelan lahaa dalka.

Boqolka doolar ayaa lagu kala sarrifanayaa suuqyada Hargeysa 930.000 SL Sh, halka gacanta dambena gaadhay 960.000 oo SL Sh.  Sidoo kalena waxa  cirka isu shareeray qiimaha  raashinka iyo noocyada  badeecadaha quutal-daruuriga ah, taasina waxay niyad-jabisay qaybo badan oo ka mid ah bulshada, kuwaasi oo lacagtii dalku waxba u jari wayday.

Ganacsatadda kala duwan ee waddanka , ayaa si arxan  darro ah u jaangoynaya suuqyadda dalka, iyagoo  ka faa’iidaysanaya fadhiidnimada  laamaha dawladda ee u xil-saaran wax-ka-qabashada  sicir-bararka ee  Baanka dhexe ugu horeeyo.

Dadka siyaasadda iyo dhaqaalaha falan-qeeya, ayaa aaminsan haddii aanay xukuumadda Somaliland qaadin talaabo degdeg ah oo lagula dagaalamayo sicir-bararka in laga dhaxli doono cawaaqib xumo saamayn taban ku yeelata nabadgelyada iyo wadajirka Somaliland.

Waxa kaloo xeel-dheereyaashu ku doodeen in xukuumadda  looga baahan yahay inay la timaado   siyaasad cad oo ay kula dirirto sicir-bararka xadhkaha goostay iyo inay qaado talaabooyin waaweyn oo lagu  samato-bixinayo  bulshada danyarta ah.

Leave a Reply