Nuxurka Kulan Dhex-maray Madaxweyne Muuse Biixi iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qaranka Somaliland

0
408

Abu Dhabi (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan is xogwareysi ah la yeeshay xubnaha weftigii labaad ee xukuumada Somaliland ee gaadhay dalka Imaaraadka Carabta, kaasi oo ka qabsoomay qasriga Emirates Palace oo uu degan yahay Madaxweynaha Somaliland.

Xubnaha Weftiga labaad ee Xukuumadda Somaliland oo ka koobnaa wasiirka Isgaadhsiinta iyo tignoolajiyada-da, gudoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland, Taliyeyaasha Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ujeedada safarkoodu la xidhiidhay hirgelinta iyo ka midho dhalinta mashaariicda Imaaraadka Carabtu Somaliland ka taageerayaan.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa qasriga uu degan yahay marti-qaad ugu sameeyay xubnaha ka socda xukuumadiisa oo safar shaqo kaga daba tagay dalka Imaaraadka Carabta, waftigii uu hogaaminayay ee maalmihii u danbeeyey socdaalka shaqo ku joogey Imaaraadka carabta, waxaana kulankan ay wada qaateen madaxweynaha Somaliland iyo weftiga xukuumada Somaliland ka socday ay kaga wada hadleen is fahanka iskaashi ee dhexmaray madaxda wadamada Somaliland iyo Imaaraadka Carabta iyo mashaariicda ay ka wada shaqayn doonaan, taasi oo sababtay in loo yeedho iyaga.

Waxaanu madaxweynaha Somaliland masuuliyiinta uga xog-waramay guulaha safarkiisan ku lamaanaa iyo waxyaabaha ay isla meel dhigeen masuuliyiinta Imaaraadka Carabta isaga oo madaxweynuhu hoosta ka xariiqey in safarkan ay xubnahani ku yimaaden Imaaraadka Carabtu ay bilow u tahay qorshayaasha ay isku afgarteen hoggaamiyeyaasha Imaaraadka Carabta, isaga oo tafaasiil ka bixiyay in Somaliland iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabtu ay ku wada talaabsan doonaan guulo horumarineed oo ay gaadhaan labada bulsho ee ku kala dhaqan dalalka Somaliland Imaaraadka.

Xubnaha Waftiga safarka shaqo kaga daba tegay Imaaraadka Carabta madaxweynuhu waxay ka kooban yihiin, Wasiirka Isgaadhsiinta iyo tignoolajiyada-da Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi, Taliyaha ciidamada Qaranka Somaliland sarreeyo gaas, Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha ciidamada booliska sarreeyo gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan, Taliyaha Ciidamada badda sarreeye guuto Cabdi Xirsi Ducaale iyo Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, Maxamed Ibraahin Cabdi (Dhoobaale).

Dhankiisa Safiirka Somaliland u qaabilsan Imaaraadka Carabta Baashe Cawil Cumar ayaa sharraxey in waftigan soo gaadhey isu-tagga Imaaraadka Carabta ee ka daba yimi waftigii hore ee madaxweynaha Somaliland hoggaaminayay ay ka shaqeyn doonan arrimaha farsamada ee mashaariicda ay isdhaafsanayaan dalalka Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, socdaalkoodanina uu salka ku hayo qodobadii madaxdweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kala hadley masuuliyiinta Imaraadka Carabta.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply