Wasiirka Waxbarashada oo Warbixin Siiyay Guddi Hoosaadka Arrimaha Bulshada Golaha Wakiillada

0
267

Hargaysa (Dawan)- Wasiirka wasaarada waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa shalay hor tagay gudida arimaha bulshada ee golaha wakiilada, taasi oo ay wax kaga waydiiyeen arrimo khuseeya wasaaaradiisa.

Wasiirka wasaarada Waxbarashada Yaasiin Maxamuud Xiir iyo guddoomiyaha gudida arimaha bulshada ee golaha wakiilada Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo kulan kaasi ka dib warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay ka wada hadleen arimo khuseeya heerka ay marayso waxbarashada dalka.

Wasiirka wasaarada waxbarashada iyo sayniska Yaasiin Maxamuud Xiir ayaa waxa uu tilmaamay in guddida isku afgarteen waxyaabihii ay ka wada hadleen ee khuseeyay waxbarashada, waxaana uu yidh “Guddida arimaha bulshada ee golaha wakiilada ayaan la kulmay, waxaana ay wax iga waydiiyeen arimo khuseeya waxbarashada, waana uga wada jawaabay, waxyaabihii ay wax iga waydiiyeen, waxaana au la xidhiidheen waxyaabo muhiima oo loo baahnaa oo ku taxaluuqa waxbarashada, madaama oo golaha wakiiladau sharciga inoo sameeyo, waana isku afgaranay wax yaabahaa aanu ka wadahadalnay”.

Guddoomiyaha guddi hoosaadka arimaha bulshada ee golaha wakiilada Cabdiraxmaan Cismaan ayaa waxa uu sheegay in wasiirka ay ka wada hadleen sidii loo tayayn lahaa waxbarashada dalka, waxaana uu yidhi “Wasiirku waxa uu warbixin naga siiyay xaalada ay ku sugan tahay ama ay marayso guud ahaan waxbarashada dalka, anaguna waxa aanu wax ka waydiiyay waxyaabihii aanu uga baahnayn ee khuseeya waxbarashada wadanka, oo ay ka mid tahay iskuulada hay’aduhu gacanta ku hayaan iyo tayada waxbarashada haddii ay tahay macalimiinta iyo hadii ay tahay guud ahaan waxbarashada”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply