Miciinkii La Collow iyo Cidlaa Is Leh

0
686

Arrimaha iyo marxaladaha qaarkood, kuwa hadda taagan iyo kuwii hore usoo maray, markaad dib u yara jalleecdo Sooyaalka taariikheed ee Somaliland, waxa kaaga dhex muuqanaya waxyaabo badan oo isa-shabbaha oo haddana soo noqnoqonaya maraaxilka qaarkood, iyadoo ay weli ifka sii joogaan in badan oo usoo taagnaa arrimahaa, balse haddana aan u lahayn xusuus iyo garasho sugan oo uu ku kala saaro wixii hore usoo maray iyo waxa maanta taagan xumo iyo samo, si uu ugu saxo joogtada maanta.

Waxa la yidhaa waxa dadka ugu ayaan darran oo aan meel gaadhin miciinkii la collow, waayo waa qof ama koox mar kasta oo arrimo u dan ah loo tilmaamo ama la doono in loo qabto, markaaba ka horyimaad iyagoo aan ka fiirsan ama aanay ka dhursugin midhaheeda.

Dadka dabeecadahoodu sidaa yihiin waxa ay ku tilmaamaan culimada ku takhasusay Cilmi Nafsigu kuwa aan xakameyn Karin dareemadooda oo uu ka xoog badan yahay dareenka caadifaddu, kaas oo siday sheegeen Culimadaasi ku keeni kara dadka noocaas ah khasaare iyo dhibaato laxaad leh, haseahaatee waxay intaa ku ladheen in mararka qaarkoodna u yeelan karo faa’iido, balse mar kasta uu khasaaruhu libin-laab ka badan yahay faa’iidadiisa. dhaqaaqa hadba.

Nolosha waxa lagama maarmaan u ah inaad iska hubiso oo hubiso fal kasta oo aad doonayso inaad ku dhaqaaqdo, adigoo ka eegaya dhinaca xumo iyo samo midka ay kuu yeelan karto, maadaama degdegga, laab la kaca iyo hubsasho la’aan wixii aad ku fulisaa iska leeyihiin calaacal iyo murugo dembe oo aan waxba dib kuugu soo celineyn.

Tusaale ahaan, waqtigii aan ka qaadanay Xorriyadda Boqortooyadii Ingiriiska ee 26 June 1960kii, waxa aqlabiyadda reer Somaliland si caadifadeysan oo weliba degdegsan u doonayeen inay ku darsadaan fadeysan oo weliba degdegsan u doonayeen in laysku keeno shanta Somaaliyeed oo kala ahaa [ French Somaliland, British Somaliland Proctorate, Italian Somaliland Colony, NFD iyo dhulka loo yiqiin Ogaden iyo Receive area] taas oo siday aaminsanaayeen lagu heli karo inay labada xornimada ugu hor qaadanayaa midoobaan.

Haddii la helayo ma xumeyn, haseyeeshee mar qudha halleys raaco mooyee, mar qudha ismay weydiin qoladii reer Somaliland ee waqtigaasi, in qolada kale ee ay doonayaan inay wax isku darsadaan la quluub tahay iyo in-kale, sidoo kalena waxay qoladii aqlabiyadda ahayd ee Xisbigii (SNL) gaashaanka ku dhufteen aragtidii ay qabeen Xisbigii (NUF) oo iyagu ka aragti duwanaa oo usoo jeediyey, in wax layska hubsado oo bal horta lays barto oo la ogaado in dadka aan israacaynaa inala aragti yihiin, si arrimahaa iyo kuwa kale oo badan loo soo xaqiijiyana aan bal horta muddo 10 Sanno ahna halkeena kala joogno oo qolo kastaa gaarkooda u haysataan Xorriyadooda.

Sidoo kale waxay qoladii hoggaaminayey aqlabiyadda dadka ee Xisbigii(SNL) si toos ah u diideen taladii Boqortooyada Ingiriiska ee ahayd inay halkooda ku negaadaan oo aanay ku darsan Somaalida ka hoos baxaysa gumeysiga Talyaaniga, maadaama ay ka badan yihiin, isla markaana muddo lix sannadood ah uu Talyaanigu gacanta ka geliyey Ismaamulka gudaha.

Taa markay ka diideen ayaa waxa uu haddana usoo jeediyey inay sugaan muddo toban sanno ah, si uu usoo gaadhsiiyo xag walba Somaalida Talyaaniga, haseyeeshee taana si caadifadeysan ayey u diideen, kana dalbadeen inaanu hal maalin dib ugu dhigin waqtigii ay hore iskula qaateen inuu ku siinayo Xornimadoioda, sidaa ayuu Ingiriis gacanta innooga geliyey Xorriyaddeenii, kadibna intaan la durdurinay la sii yaacnay in ku dhow laba kun oo Kiilo-mitir, wixii inna qabsaday inteenna badan ee nooli waa gananeynaa, balse haddana weli dhuig uma lihin.

Tusaale kale oo hadda taagan, tan iyo intaan dib ula soo noqonay Madaxbannaanideenii oo ahayd 18 May 1991kii, waxaynu si xor iyo xalaal ah u dhisanay 5 Xukuumadood oo ay ka mid tahay Xukuumadda hadda ee uu hoggaamiyaha ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, balse haddana shantoodaba col baynu ku ahayn, welina ku nahay, waxa haddaba isweydiin leh meesha kale ee innooga rooni, ma halkii hore ee Abeesooyinka iyo Halaqa badneyd baa ee aan uga samirnay dadkii sida wadar wadarta xabaalaha ay ugu gureen baa, mise waa meel kale? Wax hubsashaa habboone aan wax kasta iska hubino oo aan qaadano odhaahda ah [ KA FIIRSO IN AANAD WAX FALIN!!]

Maanta Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo aan cagta loo dhigin min maalintii kowaad ee ay xilka la wareegtay illaa manta, loogana dhaartay bal xataa in la luxus-bixiyo sida kuwii ka horreeyey sannad ilaa sannad iyo badh, ayaa haddana waxyaabo badan oo qabyo ahaa oo aanay qaban kuwii ka horreeyey oo ay qabatay indhaha laga lalinayaa.

Haddaan dhawr qodob ka xuso arrimaha ay qabatay Xukuumaddani waxa ka mid ah, inay markii kowaad ee la arko ay tahay Sicir-bararkii oo laga reystay, kadib markuu Shillinka Somaliland qiimo ku yeeshay Seyladaha lacagta ee wax lagu beddelo ee Somaliland, taasna waxa ay ku timid Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo xakameysay lacagihii badnaa ee Shillinka Somaliland ee seyladaha lacagta gaadhi jiray, kana soo baxayey khasnadaha Dawladda, waana taa mida ay Xukuumaddani innoo qabatay ee bal horta cayda ka daaya.

Ta labaad iyo ta saddexaadna waa hawsha shaqo Qaran ee aan Xukuumaddan tu ka horreysay ku dhiirran, waxayna sannadkeedii kowaadba qortay oo ay hawlgelisay 1500 Arday oo shaqo laawayaal, isla markaana ballanqaaday in sannad kasta intaa in la mid ah ama ku dhow la shaqaaleysiiyo, si loo yareeyo shaqo la’aanta, haddana innooma qudhqudhsan oo sida mara-boobtaa loogu marran yahay Xukuumadda.

Ku darsoo hore looma arag ta mooyee Xukuumad kale oo ka fikirta sidii ay qoysaska saboolka ah carruurtoodu u heli lahaayeen Buugaag daabacan oo bilaash ah la gaadhsiiyo dhammaan Dugsiyada Dawladda ee dalka oo dhan, kusii darsoo hore looma arag Qandaraasyo si furan loogu tartamo iyo kuwa kale oo badan oo aanu waqti kale idiin soo gudbin doono.

Markaa waxa shacbiga la gudboon inay wixii u dan ah raacaan, iskana ilaaliyaan caadifadaha lagu dhaqdhaqaajiyo dareenkooda , isla markmaana kala soocaan ka miciinka u ah ee wax iskugu nabnabaya iyo kan kale ee doonaya inuu danihiisa oo keliya kugu gaadho, mar walbana bulshoy wax iska hubso oo dhinac kasta ka urso, waayo hore ayaa loo yidhi[ HUBSIIMO HAL BAA LA SIISTAA.]

 

 

 

Leave a Reply