Gabiley: Qorshaha heer gobol ee Ka hortaga Cudurka Corona-virus iyo kulanka Isuduwayaasha

0
711

Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka gabiley, waxa salaasada maanta lagu qabtay kulan ay ka qaybgaleen isuduweyaasha Wasaaraddaha iyo laamaha kale ee Hay’adda  Xukuumiga ah ee Gobolka ka shaqeeya, kaasoo lagaga hadlay saddex qodob oo uu kamid yahay ka hortaga cudurka caalamka ku fiday ee Corona-virus iyo sidii bulshada looga wacyi-gelin lahaa.

Shirkan oo uu guddoominayey badhasaabka Gobolka Gabiley Maxamed Xaaji Cismaan Indho-balac, ayaa waxa kale oo lagaga hadlay xaalada guud ee gobolka ee dhinacyada nabad-gelyada iyo horumarka, isagoo warbixino ka dhegeystay isuduwayaasha Hay’addaha dawladda gobolka.

Maxamed Xaaji Cismaan guddoomiyaha Gobolka Gabiley oo gunnaadkii shirka ka hadlay, ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in bulshada Gobolka laga wacyi-geliyo cudurka Corona-19, iyadoo la fulinayo siyaasadda qaran ee ka hortaga xannuunkaas. “waa in aynu bulshadeena ka wacyi-gelinaa cudurkaas, sida ay wasaaradda caafimaadkuba howshaasi u bilowday ee ay uga hadlaysay muddooyinkii u dambeeyey”ayuu yidhi.

“Waxa loo baahan yahay in howshaas wasaaradda caafimaadku ay hogaamiso, inteena kale ee masuuliyiinta ahina aynu farriimaha gudbino oo aynu gaadhsiino bulshadeena”ayuu guddoomiyuhu kula dardaarmay Masuuliyiinta heer gobol ee dawladda.

Isuduwaha Wasaaradda Howlaha guud iyo Guddoomiyaha Wasaaradda Waxbarashada oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in arrimaha nabad-gelyada gobolka  iyo waxbarashadu halkii ugu fiicnayd marayaan,”dhamaan dugsiyada waxbarashada Gobolku way furan yihiin, waxbarashaduna waxay u socotaa si fiican, mid dawli ah iyo mid gaar loo leeyahayba”ayuu yidhi Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Gabiley.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Leave a Reply