Madaxweyne; Imisa Jeer Ayey Madaxtooyadu Tusaale Noqotay? By: Cumar M. Faarax

0
308

54kii maalmood ee ay jirtay xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, xarunta Madaxtooyada Somaliland ayaa noqotay hay’adda lagu baalaleeyo [bilaabo] hawl kasta oo dawladdu fulinayso, taas oo ah bisayl hoggaamineed iyo ifafaale loogu sii dhawaanayo inaynu yeelano maamul dawliya oo bartilmaameedkiisu yahay in loo dhaqaaqo maamul wanaagga loo jeellan yahay.
Waxa kaloo ay ka turjumaysaa in hoggaanka sare ee dalka ay ka go’an tahay in la dabaqo awaamiirka dawliga ah ee ay tahay in lagu carbiyo wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa bannaan.
Tusaale ahaan waxa xukuumaddu bilowday 20kii bishii hore qorshaha tiro-koobka madax-taabashada ah ee lagu kala hubinayo siday hay’adda shaqaaluhu inoo sheegtay ‘Shaqeystaha ma-daalaha ah, ma shaqeystaha iyo caaglaha nool’ sidaas si la mid ah waxa lagu darsayaa heerarka aqooneed iyo xirfadeed ee hawl-wadeennada dawadda. Mashruucan oo Baanka Adduunku kharashkiisa bixiyey, waxa lagu bilaabay shaqaalaha madaxtooyada.
Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu maalintii uu daah-furayey mashruucan uu ka hadlay ujeeddooyinka looga gol-leeyahay tiro-koobka madax-taabashada ah. waxaanu qiray in mushaharka hawl-wadeennada dawladdu uu aad u hooseeyo; “Waxa soo noqnoqday in dawladdu mushahar badan bixiso oo in badan oo mushaharkaas kamid ah ay qaataan dad aan shaqaynin, amaba dad aan jirin, taas weynu hubinaynaynaa, midna weynu ognahay oo dadka mushaharka la siiyaa wuu yar yahay oo kuma filna.”
Haddii ay jiraan dad u qaatay in tiro-koobkan culus shaqada lagaga saarayo hawl-wadeenno badan oo u soo dhabar adaygay daryeelka hooseeya ee shaqaalaha dawladda, waxa arrintaas ka shaafiyey madaxweynaha Somaliland oo ay tahay inaynu iimaansano qowlkiisa; “Waa in shaqada loo sinnaado oo uu qof kastaa ku soo galo aqoontiisii, maantana tani waa bilow, shaqaalahana lama eryayo lamana riix-riixayee waxa la hubsanayaa imisaa inoo shaqeeya, imisaase inaga dhiman,”ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

Geesta kalena waxa xukuumaddu 4tii bishan Feberwari ay shaacisay inay muddo 28 maalmood ah ku fulinayso tiro-koob kale oo ay ku diiwaan-gelinayso tirada gaadiidka dawladda (GT), oo madaxweyne ku-xigeenku ku dhawaaqay furitaankiisa, waxaa lagu xaqiijin doonaa tayada gaadiidka, inta shaqaynaysa, inta fadhida ee la kicin karo iyo inta duugowday in xaraash loo tartamo lagu faasaxo. Sidoo kale, waxa barnaamijkani xukuumadda wax ka tarayaa inay ka baaqsato in dhaqaale kaga baxo gaadiid cusub. Hawlgalkan diiwaangelinta gaadiidka isna waxa lagu bilaabay gaadiidka xarunta madaxtooyada. Kama tagayo inaan xuso 100 shaqaale ah oo aan joogto ahayn, hase ahaatee muddo kala duwan ka soo shaqeynayey madaxtooyada laga eryey maalmo kadib markii madaxweynuhu xilka la wareegay. Sidaas darteed, madaxtooyadu waxay ahayd halkii uu ka soo baxay warkii ugu horreeyay ee ku saabsan ‘shaqaale la caydhiyey.’
Madaxweynaha cusub waxa la weriyay inuu xafiiskiisa soo fadhiisto ka hor inta aanay shaqaalaha iyo masuuliyiinta kale ee madaxtooyadu ka soo xaadirin xafiisyadooda, taasi oo hortii ma dhacdo ahaan jirtay. Kalahaada wuxuu madaxweynuhu ku ababiyey golihiisa wasiirrada oo xafiisyadooda laga helo saacadaha shaqada. waxaa xarumaha laamaha dawladda xiligan dambe lagu arkaa iyadoo la is farayo ama la iskula xisaabtamayo ilaalinta siddeeda saacadood ee shaqada. Sidaas darteed, waa in jidkaas cad ee madaxweynuhu cagta saaray aanay xukuumadiisu ka ilbixin isaguna aanu ka daalin muddo xileedkiisa oo dhan.
Waxaan ku soo khatimayaa tudduc aan ka soo xulay maansadii daba-taxan ee Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Gaariye oo horseed u ahaa halganka lagu haybsanayo maamul wanaagga iyo kii dib u xoraynta dalkaba. Waa tix kooban oo madaxweynaha ku camal falaa aanu iilanaynin. Waa qorshe hawleed danta guud hoggaaminteeda uu abwaanku bulshadiisa ku hoga-tusaaleeyay.
“Waxa maanta ii daran

Qaran haga dadweynaha;

Qaran damal sidiisii

Noo dallaalimeeyoo

Soo taabta darafyada;

Qaran aan dir-sooc jirin

Qaran aan ahayn dulin

Nabad-doonka beeshiyo

Raacatada dulsaar ku ah;

Qaran aan dirsada oo

Anigaysku kay dirin;

Qaran iigu soo dara

Oo Aan iiga sii darin”

Cumar Maxamed Faarax
cumarmfaarax@hotmail.com

Leave a Reply