Guddoomiyaha Waddani oo ka Hadlay Qodobbo Madaxweynuhu Kala Tashaday

0
328

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Md.  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ka warbixiyey kulan  ay Guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridku la  yeeshay Axadii  toddobaadkan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

 

“Kulankii aanu la yeelanay   madaxweynaha xog-waran ayuu ahaa waxa ugu muhiimsanaa labada qoddob oo kala ahaa wadahadalkii Somaliland iyo Soomaaliya iyo qabsoomida doorashooyinka golaha wakiillada iyo golayaasha degaanka oo ku mudaysan inay qabsoomaan bisha March sannadka 2019, Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu u yeedhay komishanka  oo talo waydiyey, waxaanay  [komishanku] u soo direen soo jeedin, isaguna waxa uu u diray golaha wakiillada iyo guurtida, waxaanu ugu yeedhay xisbiyada in arrimaha doorashada laga wada tashado iyaguna ay qayb ka noqdaan qabyo-tirka doorashada,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

Guddoomiye Cirro waxa kaloo uu intaas raaciyey in tallo laga waydiiyay wadahadalkii Somaliland iyo Soomaaliya oo dib u bilaabmaya, waxaannu yidhi; “Xukumadda waxay sheegtay inay dib u bilaabayso wada hadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya,  iyada oo imika laga yaabo in ay dawladdo badan ku soo biiraan, waxaanu na weydiiyay madaxweynuhu  wixii tallooyin ah ee axsaabtu ka qabto iyo arrimo la xidhiidha xaaladda guud ee Somaliland ku sugan tahay.”

Cabdiraxmaan Cirro oo wax laga waydiiyey aragtidiisa ku wajahan shir beeleed degaankiisu sheegeen inay qabsan doonaan dhawaan, waxaanu kaga jawaabay;  “Shirku wax Somaliland ku cusub maaha, way shiri karaan, waxaanay la mid yihiin kuwii hore ee shiray,  Sharci ka yaala shirarka reeruhuna  ma jiro, markaa waxaan u arkaa shir caadiya oo reerka khuseeya oo aan xisbiga khusayn.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply