Tirada Dadka ka Faa’iidaysan Kara Biyo-xidheen Laga Sameeyey Baligubadle

0
327

Baligubadle(Dawan)- Biyo xidheen adeegsan doonaan dad lagu qiyaasay 10 kun oo degaanka ah ayaa la sheegay inay lagu daahfuray magaaladda Baligubadle.

Biyo-xidheenkan oo qaadaya biyo xaddigoodu gaadhayo 50 kun mitir Kuyuubik ayey iska kaashadeen samayntiisa Hay’adda UNDP iyo Wasaaradda Horumarinta Reer-miyiga, ayaa la sheegay in lagu xidhay mishiino biyaha soo tuura, iyo baco ka ilaaliya in dhulka galaan oo ActionAid bixisay.

Dhammaystirkii biyo-xidheenkan ayaa lagu wareejiyey Golaha Degaanka   Baligubadle xaflad ay ka qayb-galeen Wasiirka Horumarinta Reer-miyiga Marwo Shugri X. Ismaaciil Bandare iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Biyaha Dr. Cabdirasaaq Jaamac Nuur.

Wasiir Shugri oo xaflada ka hadashay ayaa amaantay taageerada hay’adda UNDP iyo ActionAid ka geysteen dhismaha Biyo-xidheenka, kuna dhiirisay dadka degaanka inay ilaashadaan, “Waa muhiim inay ilaashadaan dadka degaanku, si wax uga taro isbeddelka cimilada iyo biyo-la’aanta marwalba dhacda,” ayey sheegtay.

Mashruuca hay’ada UNDP ee isbeddelka cimilada ayaa taageertay dhismaha shan biyo-xidheen iyo shan ceel oo laga dhisay Somaliland sannadkii 2017, oo maalgelinteeda bixisay GEF.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply