Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo Dalka ka BilaabaysaTallaalka Jadeecada

0
293

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dalka ka bilaabaysa tallaallka cududrka Jadeecada oo markii ugu horraysay dalka oo dhan laga wada fulin doono miyi iyo magaaloba, isla markaana loogu talo galay in lagu tallaalo caruurta da’doodu u dhaxayso sagaal bilood ilaa sagaal jir.

Tallaalka cudurka Jadeecada oo maanta oloihiisa la daah furayo ayaa socon doona illaa bisha 23-keeda. Waxaanu noqonayaa tallaal loogu talo galay in uu gaadho qof kasta oo ku jira da’da laga tallaalayo xanuunka Jadeecada, meel kasta oo uu Somaliland kaga nool yahay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Faarax (Xergeeye) ayaa sheegay in ay wax badan ka bedeleen qaabkii tallaalka caafimaadka dalka looga fulin jiray, isla markaana doorkan ay hawl wadeenada caafimaadku adeegsan doonaan baabuurta ka sokow Dameero iyo Awr meelaha buuralayda ah ee aanay gawaadhidu mari karayn.

Waxaa kale oo uu intaa ku daray in ay wacyi galin badan samaynayaan oo ay waalidka ku dhiiri gelinayaan in ay ubadkooda ka tallaalaan cudurada dilaaga ah iyadoo awoodda la saarayo in ubadka reer miyiga ah oo inta badan aanu tallaalku wada gaadhi jirin in si toos ah loogu tago deegaanada ay reer guuraagu ku sugan yihiin iyadoo doorkan ay tallaalka cudurka Jadeecada fulinayaan shaqaale gaar ah oo ah kalkaaliyeyaasha xirfadlaha ah ee wasaaradda horumarinta Caafimaadka.

Agaasimaha guud Dr. Xergeeye oo waraysi gaar ah siiyay xalay wargayska Dawan, ayaa ugu horrayn isaga oo ka hadlaya tallaalka cudurka Jadeecada ee dalka ka bilaabmaya waxaa uu yidhi “Ololihii tallaalka cudurka Jadeecada ayaa berri dalka ka bilaabmaya, kadibna tallaalka ayaa bilaabmaya, waxaanu socon doonaa illaa bishan 23-keeda . waxaanu u socon doonaa shan cisho oo degmooyinka dalka ah iyo shan cisho oo tuulooyinka iyo miyiga ah iyo sadex cisho oo wacyiglin dhex soconaysa ah, waxaanan doonaynaa in uu wada gaadho dhammaan carruurta reer Somaliland ee da’doodu u dhaxayso 9 bilood illaa 9 sano dalka oo dhan.”

Agaasimaha guud oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay waxa uga qorshaysan deegaanada fog fog ee Somaliland, ayaa yidh “waxaa noo qorshaysan in guud ahaan dalka oo dhan la wada gaadho oo la tallaalo ubadka reer Somaliland ee dalka ku sugan meel kasta oo ay joogaan, waxaa qorshaha noogu jirta in deegaamada buuralayda ah ee aan gaadiidku noo marayn in aanu adeegsano Dameero iyo Awr, si reer guuraaga aanu ugu tagno guryahooga ay deggen yihiin meel laga tegayo ama aan la gaadhaynina ma jirto dalka oo dhan, waxaana ka hawl gelaya dalka tiro ku dhaw 1400 oo kooxood oo hawl wadeeno caafimaad ah.”

Agaasime Xergeeye oo waalidiinta tallaalka shakiga ka qaba farriin u dirayay, ayaa yidhi “waalidiinta ka shakisan tallaalka waxaan leeyahay cudurka jadeecadu wuxuu ka mid yahay xanuunada dilaaga ah, waaalid iyo dawladba masuuliyad ayaa innaga saaran ubadkeena in aynu ka badbaadino cudurada dilaaga ah, caruurta Jadeecada u dhimatayna waa carruurtii aan la tallaalin, markaa waalidku ha ogaado in waxa loo ordayaa ay tahay caafimaadka ubadkeena dawladda ayaana masuul uga ah umadda badqabkooda in ay illaaliso oo ay dawo iyo tallaalba u doonto, markaa waalidiinta waxaan ku dhiiri gelinayaa in ay ubadkooda tallaalaan oo aanay iyagu cudurka u horseedin, tallaalkan waxaa fulinaya shaqaale neeras buuxa ah oo xirfadleyaal ah halkii markii hore qofkasta oo wax mudaba loo diri jiray tallaalka, doorkan wax badan ayaanu ka bedelnay oo waxaanu doonaynaa in tallaalka carruurteenu uu noqdo mid si waafiya oo hagar la’aan ah dalka oo dhan uga wada fula, waxa shaqada intaa leeg loo qabanayanaana waa illaalinta caafimaadka ubadka markaa waalidiintuna waa in ay taa nala gartaan oo ay ku baraarugsanaadaan” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Faarax (Xergeeye) oo waraysi kooban khadka Taleefanka ku siiyay xalay wargayska Dawan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply