“Madaxweynaha Somaliland Waxa ka Go’an in Hantida Ummadda loo Sinnaado”

0
364

Boorama (Dawan):-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore, ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland ay ka go’an tahay in ummadda reer Somaliland ay u sinnaato oo ay dheef isku mid ah ka wada hesho hantida ummaddu wada leedahay, isla markaana khayraadka dalka ee dawliga ah si caddaalad ah dadka loo wada gaadhsiiyo.

Waxa kale oo uu intaa ku daray in ay ka wasaarad ahaanna taas ku shaqaynayaan oo ay ka go’an tahay in bulshada reer Somaliland ay wada hesho biyo ku filan.

Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore, waxa kale oo uu ka hadlay xaaladda biyaha Boorama ee xilligan oo uu tilmaamay in ay magaalada ka gudheen badi ceelashii ay biyaha ka heli jirtay, isla markaana imika ay laba ceel oo keliya biyo ka hesho magaaladu.

Wasiirka iyo wefti uu hoggaamiyo oo scodaal shaqoku jooga magaalada Boorama oo soo kormeeray mashruuca biyo ballaadhinta magaalada Boorama oo ka hadlayay xaaladda biyo yaraanta ah ee magaalada ka jirta iyo sida wax looga qaban karo,ayaa yidhi. “Waxaa aynu rabnaana waa Boorama oo biyo hesha, aad baana looga baqayaa inay biyo la’aani timaado waanay dhacday in sideed ceel-biyood oo loogu talo galay inay magaaladu ka cabto oo siddeediiba maanta gudhan yihiin, waxaa hadda magaaladu heysaana ay tahay laba ceel oo kaliya, magaalada intaas leeg ee dadweynaha intaas leegi ay ku nool yihiina laba ceel ayaa biyaha looga keena taasina waxay ina tusaysaa inay xaaladu adag tahay, labadaasi ceelna baahida bulshoweynta reer Boorama ma dabooli karaan waana arrin u baahan in aad looga hawl galo”

Wasiirka oo ka hadlayay qorshaha Madaxweyne Muuse ee hirgelinta hannaan dawladnimo oo dadku wada leeyahay iyo siday u shaqaynayaan iyo waxyaabaha loo baahan yahay in ay dawladdu dadka u hagaajiso ee ay awoodda saarayaan ka xukuumad ahaan iyo in ay dawladnimada aasaaskeedubu uu yahay nidaam iyo kala dambayn ,ayaa yidhi.“Waxaanu idinku soo booqanay wefti heer qaran ah , waxaynu rabnaa inaynu noqono dad nidaam iyo kala danbeyn leh, dastuurka iyo sharciga dalku waxaa uu qorayaa in dawladnimadu ay tahay masuuliyadda oo qof kasta qaato qaybtiisa iyo hantida ummadu leedahay oo la xafido dawladnimo wax kale maaha, oo waxaa ummadda ka dhaxeeya oo la ilaaliyo, hadday cisbitaal tahay, saldhig tahay, bileys iyo millateriba ay tahay, jeel tahay maxkamadd tahay inay dadka u wada adeegaan weeyaan amniga qofka la sugu, markaa hadaan waddanka sidaa loo ilaalin, oo aan xarumaha dawladda la ilaalin dawladnimo ma jirayso, haddii aad tegi laheyd meel nabad-galiyadu ku liidato oo aad boqolaal milyan oo dollar heysato waxaad ILLAAHAY ka baryi laheyd inaad meel nabad maruun aad ku seexato inaad hesho, markaa hadda dhabbadii in aynu lacagta sameyno ayaynu ku soconaaye, madaxweynaha Somaliland waxaa ka go’an in hantida ummaddu ay noqoto mid loo siman yahay annagana waxaa naga go’an inay u sinnaadaan”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply