Wadamada Afrika oo Heshiiska Suuqa Xorta ah ku Gaadhay Wadanka Rwanda

0
349

Kigali (Dawan)- Madaxweynayayaasha wadamada qaaradda Afrika ayaa ku dhawaaqay heshiis ay ka gaadheen arrimaha dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo suuqa xorta ah, kaasi oo horseed ka noqon doona in dalalka qaaradda Afrika ay toos ah isu waydaarsadaan wax soo saarka iyo ascaarta ganacsi.

Madaxweynayaasha Afrika oo magaalada Kigali ee dalka Rwanda ku yeeshay shir la xidhiidha suuqa xorta ah ayaa tan iyo 2102 ka shirayey arimo dhexdooda ah, waxaana markii dambe lagu dhawaaqay qorshe lagu abuurayo suuqa xorta ah ee ay ku midaysan yihiin wadamada Afrika.

Sidoo kale heshiiskan ayaa xambaarsan dhaqdhaqaaq xor ah oo dhinaca ganacsiga iyo maalgashiga ah iyada oo xeerar loo dajinayo qiimaha ascaarta, isla markaana midawga Afrika laga doonayo inuu hir geliyo wax isdhaafsi dhinaca ganacsiga ee wadamada Afrika dhexdooda marka la gaadho sanadka 2022-ka.

Xoghayaha guud ee suuqa ganacsi ee ay hore uga midaysnaayeen wadamada bariga iyo koonfurta Afrika ee Comesa ayaa ka hadlay heshiiskan waxaanu yidhi “Afrika waa qaarada kaliya ee aan dhexdeeda kala ganacsan sida dunida kale, sidaas darteed way ka qatan yihiin faa’iidada wax isdhaafsiga dhexdooda ah waayo kama faa’iidaystaan nsuuqa ay haystaan.”

Heshiiskan ay wadamada Afrika u gaadheen magaalada Kigali ee dalka Rwanda ayaa faa,iido badan u keeni doona qaarada hadana waxa jira caqabado badan oo horyaala inta aan la hir gelin.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply