Wasiirka Warfaafinta oo Cisbitaal ku Booqday Fannaanada Sahra Axmed

0
314

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Guri-barwaaqo ayaa booqasho ugu tagay fannaanada caanka ah Sahra Axmed Jaamac oo xannuun u jiifta cisbitaalka Gargaar ee magaalada Hargeysa.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta mudae Cabdiraxmaan Cabdillaahi Guri-barwaaqo, ayaa sheegay inay ka wasaaradd ahaan iyo xukuumad ahaan ba ka war hayaan xaalada caafimaad ee fanaanada Sahra Axmed Jaamac, waxaau tilmaamay in fannaadani ay qiimo weyn ugu fadhido wasaaraddiisa iyo guud ahaan qaran kaba.

Wasiirka oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Maanta (shalay) waxaannu booqasho ugu tagnay fannaanada weyn ee caanka ah marwo Sahra Axmed Jaamac oo ummada Soomaaliyeed oo dhami wada yaqaanan, gaar ahaan ummada reer Somaliland, oo xanuusaneysa, kuna jirta cisbitaalka Gargaar, dhab ahaantii caafimaadkeedu waa uu wanaagsana, sababta aanu u soo booqaneyna waxay tahay iyada oo dalka iyo dadka qiimo weyn ku leh, sidaasi darteed aad buu caafimaadkeedu u wanaagsanahay oo qallin baa lagu sameeyay, anaga ka warfaafin ahaanna qiimo gaara ayay nagu leedahay, xaaladeeda caafimaadna si gaar ah ayaanu u eegaynaa, xukuumadda Somaliland na sidaasi si lamid ah ayay isha ugu heysaa xaaladeeda caafimaad.”

Dhinaca kale, Dr. Saleebaan Cabdi Guuleed oo ka mid ah dhakhaatiirta ka hawl-gasha cisbitaalka Gargaar, isla markaaa la tacaalayay xannuunka fannaanada Sahra Axmed Jaamac, ayaa si weyn uga dayriyay xaaladeeda caafimaad, bulshadana ugu baaqay in la soo caawiyo.

Dr. Saleebaan Cabdi Guuleed oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xaaladda caafimaad fannaanada Sahra Axmed, hadaan ka hadlo, waxaan si kedis ah ugula kulmay qolka gargaarka deg dega ah iyada oo taala, oo aan cidina la socon, aniga oo qof bukaana eegaya, wajigeeda ayaan gartay, aad ayaanan uga naxay runtii xaalada ay ku sugneyd, waxaan la kulmay iyada oo aad u diciifa oo jilicsan, oo qaarka hoose ee badhida agteeda dheecaan ka buuxo, nabarkii afkaanu ka bannaynay oo waanu ka sifeynay, haddana laba saddex jeer ayaanu eegnaa xaaladeeda caafimaad, macaankana dhakhtar kale ayaa dhaya anaguna dhaymo iyo wixii kale ee ay nooga baahato ayaanu u sameynaa.”

Dr. Saleebaan waxa kale oo uu bulshada ugu baaqay in la soo caawiyo marwo Sahra Axmed Jaamac “Sahri maanta waxay u baahan tahay caawimo aad u badan iyo haddii meel kale la geyn karo, sababta oo ah marka qofku dhinto xabaasha ayuun baynu ka dul hadalnaa, xanuunkeeduna wakhti uu ku bogsan doono ayaan la garaneyn, meesha uu kaga yaalo marka loo eego wakhti dheer ayuu qaadanayaa, hase ahaate waxtarkii ugu horreeyay way heshay, waxaanay u baahan tahay wax intan ka sii badan, bulshada waxaan ugu baaqaya in la soo caawiyo qofkuna inta uu nool yahay ayuu caawimo u baahan yahay, hadhawna tacsi iyo wax leysu diraa wax ay u tareysaa ma jirto, maantana wax ay uga baahi badan tahay ma jirto in aad loo caawiyo oo caafimaadkeeda lagu dadaalo.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply