Somaliland oo Markii ugu Horraysay Laga Furay Cisbitaal Fulinaya Qalliinka Maskaxda

0
282

Hargeysa (Dawan):- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici,ayaa shalay si rasmi ah u furay cisbitaal casri ah oo laga hirgeliyay caasimadda Hargeysa.

Cisbitaalkan oo la yidhaahdo HALDOOR HOSPITAL oo uu hirgaliyay Dr Maxamed Cabdi Gabboose ayaa ah cisbitaalkii ugu horreeyay ee noociisa ah dalka laga furo waxaana ka soo qayb galay munaasibadda furitaanka Cisbitaalkan Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici,Guddoomiyaha golaha wakiilladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax,wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr:Xasan Yuusuf,ergayga aqoosni raadinta Somaliland Dr Edna Aden Ismaaciil,wasiirkii hore ee wasaaradda caafimaadka Dr Xuseen Muxumed Xoog, guddoomiyaha mihnadleyaasha Caafimaadka Somaliland Dr Axmed Xaashi Oday,Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun,dhakhaatiir iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Ugu horrayn Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo furay cisbitaalka,ayaa ku bogaadiyay Dr Gabboose cisbitaalka uu dalka ka hirgeliyay isla markaana ALLE uga baryay in uu ka dhigo mid dadka baahidooda caafimaad daboola,waxaanu yidhi ““cisbitaalkan waxa inoo furey digtoorkeenii Gaboose, wuxuu yahay dhakhtarka kaliya ee neerfaha ee Soomaalida ku yar takhasuskiisu, samafal buu ugu shaqayn jirey dadka oo wax badan kama qaaadi jirin dadka uu dabiibayo, dadka loo keeno sida uu ku sheego uun bay kuwa dibedda joogaana ku sheegaan, marka waa in dadkeenu aamina dhakhaatiirteenna, dhakhaatiirta uu dibedda ka keenay lacag badan bay ka rabaan laakiin kuweennaa ka baran doono”.

Dr Maxamed Cabdi Gabboose oo ka hadlayay sababta ku dhalisay in cisbitaal noocan ah uu dalka ka hir geliyo ,ayaa yidhi “waxaanu cisbitaalkan iyo qalabkan qaaliga ah u gelinay sidii umadda Soomaaliyeed aan uga badbaadin lahaa safarka dibedda ee ay caafimaad u doonanayaan iyo dhibaatooyinka ka soo gaadhay.”ayuu yidhi Gaboose.

Waxaa kale oo uu ka hadlay dhakhaatiir ajaanib ah oo cisbitaalka ka hawl geli doonta oo uu keenay waxaanu yidhi.“Dhakhaatiirta aad arkaysaan qaar Sucuudiga ayaan keenay qaar kuweyd ayaan ka keenay iyo dalal kale oo badan oo aan aqoontoodda soo baadhnay oo jaamacado waaweyn wax ka dhiga ayaan keennay cisbitaalka si ay ardaydeenuna uga faa’iidaan, dhammaan qalabkan casriga ah dadkii aqoonta u lahaa ayaan keennay.”

Dr Gaboose oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in Cisbitaalka ay keenen dhakhar fulinayaa qalniinka Maskaxda , xangulaha iyo neerfaha “ dhakhatir waxa ku jira dhakhtarka maskaxda ,neerfaha iyo xangulaha intaba qalaaya “ ayuu ydihi

Waxaa kale oo uu sheegay arrin baahi weyn loo qabay iyo sida uu u maareeyay taasoo ah aqoon lagala hadho dhakhaatiirta ajaanibka ah ee cisbitaalka ay baahida aqooneed u keeneen,waxaanu yidhi. “ninkasta oo ajaanib ah muwaadin baan ag dhignay si uu wax uga barto”

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Drs:Adna Aadan, wasiir ku xigeenkii hore ee Caafimaadka Xuseen Xoog, gudoomiyaha dhakhaatiirta Somaliland, Sheekh Mustafe Ismaaciil, wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr:Xasan Yuusuf, gudoomiyaha golaha Wakiiladda wakiiladda Baashe Maxamed Faarax iyo madaxweyne ku xigeenka Saylici, kuwaas oo dhamaantood soo dhoweeyey cisbitaalkan cusub iyo qalabka casriga ah ee la keenay, waxaanay Dr:Gaboose ku aamaaneen kaalinta uu kaga jiro caafimaadka.

Cisbitaalkan ayaa iskugu jira qaybta xarun caafimaad iyo qayb jaamacadeed oo ardayda u baahan barashada qaybaha kala duwan ee caafimaadka lagu bari doonno, kuwaas oo ay ka dhigi doonaan macalimiin jaamacaddo dibedda ah wax ka dhiga oo wakhtiyadda fasaxyada ah jaamacadda iman doonna iyo dhakhaatariirta cisbitaalka ka hawlgala oo waaxyaabo kala duwan ku kala takhasusay.

Sidoo kale, waxaa cisbitaalka la keenay markii ugu horeysay qalabkii u dambeeyey ee sawirka, shaybaadhka iyo guud ahaan jidhka la kala soconayey caafimaadka bukaanka, iyo dhakhaatiirtii takhasuska u lahayd kuna shaqayn doonta qalabkan.

Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo dhulka Soomaalida aad loo yaqaan ayaa dhisay cisbitaalkan,isla markaana ku soo kordhiyey qaybo caafimaad oo kale iyo qalab kala duwan oo uu sheegay inay ku yar tahay in laga helo guuud ahaan gayiga Soomaalidda, waxaanu sheegay in qalabkan qaarkood cisbitaalkiisa oo qudha laga helayo, taas oo uu xusay inay kaga nasan doonaan dhakhaatiirtii dibadda loo tagi jirey.

Dr:Gaboose oo takhasuskiisu ku yar yahay Soomaalidda soona bartay caafimaadka Neerfaha (Neurology) ayaa sheegay in tobaneeyo waaxood ay ka koobantahay xaruntan caafimaad, kuwaas oo kala ah, 1. Internal Medicine, 2. Cardiology, 3. Neurology, 4, Neurosurgery, 5, General Surgery, 6, ENT, 7, ICU/CC24/7, 8.Diagnostic, 9. Laboratory, 10, Pathology iyo waaxo kale, kuwaas oo dhamaantood ay ka hawlgalayaan dhakhaatiir ka shaqaysa dalalka dibedda oo qaarkood macalimiin ka yiiin jaamacaddaha adduunka oo takhasus ahaan usoo qaatay si looga baxo baahidda caafimaad ee dibedda loo doonto.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply