Taariikhda Sirdoonka Shuuciyadda Iyo Gumaadka Shacbigeeda !

0
157

Nikolai Ivanovich Yezhov waxa uu dhashay bishii May 1dii sanadkii  1895 magaalada  Saint Petersburg, Russia. Yezhov Waxa uu ahaa sarkaalkii uu madaxweynihii Ruushka (Soviet Union) ee Istalin u magacaabay inuu noqdo Taliyaha ciidankii cabsida badnaa ee sirdoonka sguuciyadda Ruushka, kuwaasi oo si arxan daran u khaarajin jiray cid kasta oo ay u arkaan inay xukuumaddii shuuciga ahayd dareen ahaan ka soo horjeedo.

Nikolai Ivanovich Yezhov waxa uu khaarajiyay kumanaan sarkaal oo uu ku jiray ninkii isaga jagda ugu horeeyay uu bedelay laguna magacaabi jiray Yagod.

Madaxweyne Joseph Stalin ayaa mar kasta qaab khariban u bedeli jiray taliyaha sirdoonka, isagoo marka danbena caado ka dhigtay inuu dilo. Sababtaasi si cad looma garan laakiin laakiin waxa loo malaynayaa inay ahayd , marka uu Istaalin u diro inuu dilo siyaasiyiin iyo madax badan, oo hawshaasina fuliyo , in uu rabay in aan sirtaasi la ogaan sida awgeedna sarkaalka fuliyay u hawada ka  saaro,

Laaakiin haddana taasi waxa ay muujisay dhinac kale in qof kasta oo arxan daran oo dadka six un u dila in isagana uu dariiqaasi noqonayo gebgebadiisa.

Yezhov waxa uu ahaa khabiir waxa badan ka yaqaan dhaqanka Istaliin, waxaana uu dareemayay inuu soo gaadhay wakhtigii dhamaadka, ee laga khaarjin lahaa, madaama danahii Istaaliin uu fuliyay, inkasta oo aanu si cad u hayan wakhtiga ay noqon doonto sida ay u dhici doonto.

Werwerka badan waax uu isk dhaafin jiray mukhaadaraadka isagoo inta badan sakhrada ku jiray.

Werwerka ku habsaday Yezhov Waxa uu ku sii kordhiy markii ay gabadhiisu is dishay bishii Novemeber 19 , 1939, inkasta oo mararka qaarkood la sheego inuu isagu dilay markii ay xaaladu ku xumaatay haddana taasi looma hayo cadayn sugan..

Toddobaad ka dib markii ay gabadhiisu is dishay  ayuu codsaday in Shaqada maamulka Sirdoonka ee uu hayay laga nasiyo, isla markiiba waa laga ogolaaday waxaana loo magaacabay booskiisa nin kale. Bishii  March 13, sanadkii 1939 ayuu haddana ka degay jagada uu ka hayay gudida fulinta ee xisbiga shuuciga ah, wixii ka danbeeyay wuxu noqday nin aan shaqo hayn.

Bishii April 10, 1939,  ayay Mr.Ezov ciidanku xidheen waxaana laga qariyay warkiisa inta badan ciidanka sirdoonka qarsoon, waayo Istaliin ayaa doonayay inuu uga takhaluso si qarsoon oo aan la dareemayn.

Ka dib markii si weyn loo ciqaabay Ezov waxa uu qirtay inuu galay denbiyada khiyaamooyin , shirqoolo iyo amar ku taaklayn. Sida xaqiiqda ah denbiyadan waa uu galay laakiin waxa ay ahaayeen kuwo uu raali ka yahay Istalin. Sidii uu u galay Yagoda ayaa loo soo taagay maxkamadii iyadoo lagu soo eedeeyay  inuu dalka iyo dadka cadow ku yahay.

Markii maxkamaddu xukuntay waxa uu qaylinyay isagoo ku dhawaaqayay: ”Istalin ha sareeyo, Waxa uu magaciisu baaqi ku ahaan doonaa denbnahayga ilaa daqiiqada ugu danbaysa noloshayd.” Laakiin eryadaasi waxba xukunka kamay bedelin maxaa yeelay waxa dilka lagu xukumay mar hore oo ah intii aaanay kuba dhawaaqin maxkamaddu.

Markii la maqashiiyay in dil lagu xukumay waa uu suuxay oo miyir belay, waxaana qaaday ilaalida oo geeyay qolka sansanaada ee dilka lagu xukumo lagu xidho.

Markii  xukunkan lagu ridiyay waxa laga yabaa inuu xusuustay sidii uu u galay boqolaal dad ah, oo uu qaabkan isaga loola dhaqmayo isaguna uu ula dhaqmayay.  Ciidanka ayaa geeyay isla qolkii qudhmuunka iyo urta xun ka buuxday ee uu ku dilay Yagoda talihii nabadsugida ee hore , iyo madax kale oo badan laba sano ka hor.

Waxaana qolka ka soo baxayay cod dheer oo ku qaylinaya :“ Ka saara dharka, markii ay qaawiyeen ayuu codku mar kale ku amray inay garaacaan, sidaasi ayay sameeyeen ilaa ay ka tegeen isagoo aan dhiman oo aan noolayna, oo dhiigu ka socdo isla markaana u barooranaya sida dumarka. Nink lagu magacaabo Peria oo ah taliyaha sirdooonka ee cusub oo aad ay col u ahaayeen Ezov ayaa ku soo dhowaaday oo la soo baxay bastooladiisa ka dib madaxa kaga dhuftay rasaastii ugu danbaysay ee nafta ka jartay Ezove.

Sidaasi ayay dunida dhacdooyinkeedu isu daba socdaan sidii uu shalay u galay boqolaal ayuu u dhintay waase waxaan cidi eegayn oo ay u sababeeyaan ariimo iyo xaalado si isku mid ah (automatic) ah isaga dhacay.

Sidaasi ayuu ku xidhamy cahdigii Ezov magaciisana lagu waayay lagana masaxay dhamaan goobihi uu ku qoraa, sawiradiisana laga tirtiray goobihii lagu arki jiray sidii qof aanu weligiiba aqoon u lahayn madaxweyne Istalin. Waxaana ay ahayd bishii February 4, sanadkii 1940.

Peria aya noqday nuskhad cusub oo ka dabeeyay Yagod iyo Ezov, isaga casaabadiisa ayaa wareegaysan jiray suuqyada Mosco, isagoo si ka daran saaxiibadii ul sheqeeyay Istalin. Waxa uu samayn jiray wixii uu doono iyadoo aanay jirin cid la xisaabtamaysaa. Wax kasta oo uu rabo qofka ka hor yimaadda waxa uu  u diri jijray Jeelashi cabsida badnaa.

Laakiin wax kastaa waxa ay leeyihiin dhamaad. Madxweynaha arxanka daran ee kursiga jeclaa, ee shuuciga ahaa Josepph Stalin, bishii March 1dii, sanadkii 1953 ayay ilaaladiisu ka soo saareen qolkii uu geli jiray isagoo dhulka daadsanaa, oo ay kaadidiisu qoysay isla markaana miyir beelay.  Qolkaasi cidla ah ayuu seexan jiray keligii madaama ay Gabadhiisu muddo hore dhimatay ka dib markii isaga lagu eedeeyay dilkeeda. Sababta dilkeeda loogu eedeay ahayd iyadoo ka tirsanayd xisbiga shuuciga aadna uga soo horjeeday ficilad dilka ah ee uu kala kacayay xubinhii xisbiga ee firfircoonaa.

Halkaasi ayuu xukunkii keli teliska ahaa ee madaxeyne Joseph Istalin ku soo xidhamay waxaana qabsaday madaxweyne debecsan oo lagu magacaabi jiray Nikota Koroshoof  kaasi oo siyaasadii Istalin sida ay u dhamayd bedelay. Koroshof Waxaa uu soo xidhay dhamaan xabsiyadii cabsida ee Gulag. Waxaana u ka tacsiyadeeyay shacbiga sidii naxariis darada ahayd ee uu ula dhaqmay Istalin iyo casaabadii uu ku shaqaysnayay.

Taliyaha sirdoonka Lavrentiy Peria ayaa ahaa kuwii ugu horeeyay ee maxkamadda Koroshof xukunto, waxaana la keenay maxkamada iyadoo lagu eedaynayo inuu si ula kaca ah dadka isaga dilayay isla markaana u adoonsan jiray.  Markan xaalku sidii hore maaha waxa loo gelayaa sidii lagu sameeyay labadii saaxiib ee ka horeeyay  Yagoda iyo Ezov. Markii maxkamaddu ku riday xukunka aad ayuu u  qaylinayay waxa uu ahaa nin calool adag. Ciidankii ilaalaniyay ayaa maro afka ugu qabtay si ay qayladiisa dheer u aamusiyaan.  Ugu danbaystiina waxa loo dilay  sidii uu uu khaarajiyay kumanaan aan waxba galabsan. Haa waa sidaasi aduunyadu.. waxa laguula dhaqmayaa sida uu adiga dhaqankaagu yahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here