Maraykanka oo ku Weeraray Suuriya Gantaalo Jawaab u ah Suntii Kimikada

0
287

Maraykanka ayaa sheegay in uu weerar loo adeegsaday gantaalaha ‘Cruise’ loo yaqaanno ku qaaday bartilmaameedyo ay leedahay xukuumadda Suuriya.

Saraakiil Maraykan ah ayaa sheegay in tiro dhan 59 gantaal oo ah nooca ‘Tomahawk’ laga soo riday laba  markab oo ciidanka badda ee Maraykanku leeyahay oo fadhiya badda Mediterranean.

Bartilmaameedyada la garaacay waxaa ka mid ah garoon ay ciidamada cirka ee Suuriya ku leeyihiin magaalada Homs, halkaasoo Maraykanku uu sheegay in dayaaradaha dagaalka ee Suuriya ay ka qaadeen weerarradii hubka kiimikada ee lagu laayey dad joogay magaalo ay fallaagadu haysato.

Maraykanka ayaa sheegaya in ay gantaaladaasi six un u waxyeeleeyeen madaarka Suuriya, islmarkaana burburiyeen qalabkii yaalay.

Goor sii horreysay ayaa Ruushka oo  saaxib la ah Suuriya wuxuu digniin ku bixiyey in ficil kasta oo milateriga Maraykanku ka sameeyo Suuriya uu yeelanayo cawaaqib xun.
Weerarkan ayuu Maraykanku sheegay inuu jawaab u yahay weerar kiimiko arxan darri ah oo lagu qaaday dad rayid ah dhawaantan, kaasoo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay madaxweynaha Siiriya Bashar al-Assad. Ku dhowaad boqol ruux ayaana ku dhintay weerarkaas.

Goobaha duqeynta Maraykanka lagu garaacay waxaa ka mid ah garoon ay ciidamada cirka ee Suuriya ku leeyihiin magaalada Homs, halkaasoo Maraykanku uu sheegay in dayaaradaha dagaalka ee Suuriya ay ka qaadeen weerarradii hubka kiimikada.

Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay duqeynta Maraykanka balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in saldhigyada ciidamada Siiriya ee la duqeeyey ay joogeen ciidamo ka tirsan kuwa dowlada ruushka arintaasoo haddii ay dhab noqoto xaalada sii hurin karta.

Saraakiil Maraykan ah ayaa horey u sheegay inay qorshaynayaan talaabo milateri oo jawaab u ah weerarkii sunta kiimikada ah ee xukuumadda Suuriya ay u adeegsatay magaalo ay gacanta ku hayaan mucaaradka hubeysan ee ka horjeeda.

Leave a Reply