Wasiirka Beeraha oo Ganacsatada ugu Baaqay inay Dalka Maalgashadaan

0
438

Boorama (Dawan)- Wasiirka wasaaradda beeraha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Muumin Seed ayaa ganacsatada dalka ugu baaqay inay wadankooda maalgashadaan, oo ay ka qayb qaataan wax soo saarka dalka, si loo hirgaliyo barnaamijka xukuumadda ee horumarinta wax soo saarka dalka.

Wasiirka wasaarada beeraha mudane Axmed Muumin Seed waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad xadhiga lagaga jarayay xafiis wasaarada beeruhu ku yeelan doonto magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, waxaanu tilmaamay in dalku ku horumari karo iyada oo ganacsatadu maal-gashi sameeyaan.

“Dadka ganacsatada ah ee dalka dibadiisa wax ka keena, waxaan ugu baaqaya inay maalgashadaan wadankooda oo ay dadkooda caawiyaan oo laga wada qayb qaato barnaamijka iskaa wax u qabso ee aynu dooneyno inaynu wax ku qabsano ee aynu rabno inaynu kor ugu soo qaadno dhanka wax soo saarka.

Raxmaadka Eebbe marka uu inoo da’o biyuhu badda ayay galaan, markaa ka wasaarad ahaan qorshahayagu waxa uu yahay sidii biyahaasi soconaya ee ina dhaafaya aanu u qaban laheyn, biyo xidheenada iyo hakintoodana waxaanu ka bilownay dooxa Bija ee Gabiley iyo ka Aburiin, si ay dadku wax ugu beertaan” ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.

Sidoo kale Axmed Muumin waxa uu sheegay in dalka horumarkiisu ku xidhan yahay bulshadiisa oo isku duubnaata waxna wada qabsada, waxaanu yidhi “Haddii awal gobolada galbeedka lagu xaman jiray dhanka wax soo saarka imika Somaliland oo dhan wax soo saar ayay u kacday, bari min galbeed Somaliland dabada ayay is wada heysataa, dawladu waxa ay dawlad ku noqon kartaa dadkuna dad ku noqon karaan, marka ay cunadooda la soo baxaan wadana kuma noolan karo cuno dibada uga timaada, siyaasada maanta wadanka ka jirtaana waxaa ay tahay in dadka dalka ku nooli ay la soo baxaan cunadooda waayo inama wadeyso maanta cunto dibada inooga timaada”

“Dhawaan waxaanu bilaabi doona qaybinta saacadaha qodista beeraha, anaga oo si simin u qaybin doona saacadaha beeraleyda loo qodayo, odayaasha loo dhiibimaayo iyo cuqaasha, shaqaalaha wasaarada ayaa loo dhiibayaa lagulana xisaabtamayaa,” ayuu yidhi Wasiirka Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, waxaanu intaas raaciyay “Qodaalo dadka inta la yidhaaho waa la qoday hadana aan qodin ayaa jira oo dadka aan gaadhin waxaanu rabnaa qofka shanta saacadood loo qodayo inaanu la hadalno inuu qodaalkii helay iyo in kale, cid aan u daba fadhiisanayo ka wasaarad ahaana ma jirto, oo madaxweynaha qaranka ayaa ii igmaday masuuliyaduna aniga ayay i saaran tahay.”

Dhinaca kale, Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Beeraha Maxamed Aadan Ilkacase  ayaa ka hadlay sababta ay shaqada uga joojiyeen Ururo aan dawli ahayn oo fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya  “Ha’yaddaha aan wada shaqayntooda joojinay waa sagaal kadib markii aanu qiimaynay ee aanu derisnay ee aanu raacnay xeerka ururada waddaniga ah, waxa aannu go’aansanay in aannu kala noqono ruqsadii wada shaqayneed arrintanu waa go’aan qaran oo aanu ku dhiiri gelinayno ururada waddaniga ah .” ayuu yidhi

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply