Guddoomiye Xil ka Qaadistiisa Soo Dhaweeyay Madaxweynahana ku Bogaadiyay

0
295

Gabilay (Dawan)- Guddoomiyihii hore ee gobolka Gabilay Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa soo dhaweeyay xil ka qaadistiisa, isla markaana Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku bogaadiyay xil ka qaadistiisa.

Maxamuud Saleebaan Ramaax, waxaa uu intaa ku daray in sunnaha dawladnimo uu dhigayo in marba qof xilka lagu eego oo la dar dar geliyo shqada qaranka, isaga oo  sheegay in uu la shaqaynayo Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa isaga oo  aan xil hayn.

Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi kooban oo uu khadka taleefanka ku siiyay wargeyska Dawan. Isaga oo ka dareen celinaya xil ka qaadistiisa oo shalay soo baxdayna waxaa uu yidhi Xilku waa meerto, aniguna waan ku faraxsanahay in Madaxweynuhu garto in uu xilka iga qaado oo uu  masuul kale u igmado si shaqada dawladda loo dar dar geliyo, gobolo badan ayaan ka soo shaqeeyay, imikana niyad sami ayaan ku qabaa in xil ka qaadis la igu sameeyo oo Maaxweynaha oo gudanaya waajibkiisa dastuuriga ahi in uu masuul kale igu bedelo, aniga oo aan xil hayn ayaan qaranka u shaqaynayay, aniga oo aan xil haynnina qaranka waan u shaqaynayaa, waanan la shaqaynayaa Madaxweynaha iyo xukuumaddaba. waanan u mahad naqayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynihii  hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply