Shil Khasaare Badan Dhaliyey Oo Ka Dhacay Dalka Hindiya .

0
1031

12 qof ayaa ku dhintay inta ilaa hadda la hubo  laba kalena waa ku dhaawacmeen kadib markii ay laba gaadhi isku dhaceen  gobolka Ojayn  oo ka tirsan dawlada goboleedka Madhya Baradheesh ee dalka Hindiya .

Ra’isal wasaaraha dawlada Hindiya Narendra Moodiy oo ka hadlay shilkan khasaaraha badan dhaliyey ee dalkaasi ka dhacay ayaa ku tilmaamay mid laga murugoodo, isaga oo intaasi raaciyey in uu aad uga xun yahay dadkaasi badan ee shilkaasi ku dhintay .

Ciidamada Booliska ayaa sheegay in ay wadaan baadhitaano lagu hayo shilalkaasi iyo wax sababay isku dhaca gawaadhidaasi , iyada oo labadii qof ee dhaawaca ahaana loo qaaday cisbitaal ku yaala degaankaasi .

Dalka Hindiya ayay sannadihii ugu dambeeyey kusoo badanayeen shilalka gaadhi ee ka dhacaayey, iyada oo ay dad badani ku dhinteen shilalkaasi , waxaanay u badnaayeen kuwo gawaadhiyi isku dhacday intooda badani.

Leave a Reply